Masuuliyiin Ka Tirsan Kulmiye oo Kormeeray Goobaha Diiwaangelinta

0
757
Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye
Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xubno sarsare oo katirsan xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo xogyaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi, ayaa maanta kormeeray goobo ku yaalla degmooyinka caasimadda Hargeysa oo ay ka bilaabantay wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaashu.

Xubnahan uu hoggaaminayo xogyaha guud ee xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay xubno ka yihiin Af-hayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdinaasir  Muxumed Xasan Buuni, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), guddoomiye-ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Khadar Baaruud Cumar, xildhibaanno katirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, ayaa kormeedkooda kusoo maray goobo ku yaalla Maxamed Mooge, Axmed-dhagax, Ibraahim Koodbuur  iyo Maxamuud Haybe, waxana ay halkaas kula kulmeen dadweyne safaf dhaadheer ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen.

Masuuliyiintan, ayaa bulshadii ay goobahaas kula kulmeen ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka diiwaangelinta ee lagaga qaybgeli doono doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, kana faa’iidaystaan fursaddan qaaliga ah ee mar labaad la siiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here