Musharax Khadar Goobgaab oo Kormeeray Goobaha Diwaangalinta Codbixintu Ka Socoto Ee Hargeysa

0
1141
Musharax Khadar Qoorgaab
Musharax Khadar Qoorgaab

Hargeisa (Hargeisa Press)- Musharax Khadar Maxamed Muxumed (Khadar Qoorgaab) oo u taagan   doorashada golaha Deegaanka ayaa maanta soo kormeeray goobaha Diwaangalinta Codbixinta ka socoto ee magaalada Hargeysa.

Musharax Khadar Qoorgaab ayaa waxa uu u kuur galay sida ay uga socoto Diwaangalinta Codbixiyayaasha degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May.

Musharax  Khadar Qoorgaab ayaa Beeshiisu isku raacday in uu isku taago Doorashada golaha Deegaanka Hargeysa, taas oo taageero mug iyo miisaanleh laysku raacay in uu isku sharaxo Golaha Deegaanka Hargeysa.

Sidoo kale, Khadar Qoorgaab ayaa ah aqoonyahan la socda xaalada ay ku sugan tahay Caasimada Hargeysa, islamarkaana hamigiisu yahay in uu wax ka qabto baahiyaha kala duwan ee ka jira.

Waxaanu musharaxu balanqaaday in uu ka qayb qaadanayo horumarka caasimada Hargeysa, isagoona timaamay in caasimada Hargeysa ay u baahan tahay goledeegaan oo horumar gaadhsiiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here