Kalluunka Somaliland Oo Suuq Looga Raadinayo Itoobiya

0
1040

Hargaysa (HP): Somaliland iyo dawladda federaalka Itoobiya ayaa ka wada hadlay sidii Kalluunka laga soo saarro Baddaha Somaliland suuq loogaga heli lahaa Itoobiya.
Waxaanay dawladda Itoobiya balan qaaday sidii ay Somaliland ugala soo degi lahaayeen Kalluun ay u suuq geeyaan dalkoodda.
Sidaasina waxaa sheegtay wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland Yurub Abiib Cabdi, oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeedda.


Waxaanay wasiirku faahfaahin ka bixisay Carwo ay dhawaan kaga qayb galeen magaaladda Jig-jiga.
Waxaanay sheegtay in ay la kulmeen wasiirro ka tirsan dawladda federaalka Itooboya oo uu ka mid ahaa wasiirka ganacsiga, isla markaana ay wasiirradaasi kala hadleen sidii aanu suuq uga heli lahayn Itoobiya Kalluunka Somaliland.
Waxaanay sheegtay in ay wasiiradii ay la kulmeen ay balan qaadeen arrintaasi, isla markaana ay si fiican isku af-garteen.
Yurub Abiib Cabdi, ayaa dhawaan iyada iyo masuuliyiin kaloo dawladda Somaliland ka tirsan waxay magaaladda Jig-jiga kaga qayb galeen Carwo ganacsi.
Carwadaasi oo lagu soo bandhigayay wax soo saarka Kalluunka, waxaa soo qaban qaabiyay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Taasoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka Itoobiya.
Xubno ka socday DDS Itoobiya, iyo masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada wasaarradaha Ganacsiga, maalgashiga caalamiga ah iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa Carwadaasi ka soo qayb galay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya wax soo saarka Kalluunka ee Somaliland.
Waxaana carwadaasi lagu soo bandhigay sidii bulshadda reer Itoobiya ay uga faa’iidaysan lahaayeen Kalluunka laga soo saaro Baddaha Somaliland.
Sida ay sheegtay wasiir ku xigeenka Xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland.

Daawo: Wasiir Yurub Abiib Oo Arrimahaas Ka Warbixinaysa:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here