Joshua Meserve: “Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Fursadaha La Lumiyay”

0
2613

Washington (Hargeisa Press) – Siyaasadda Mareykanka, ee Bariga Afrika qayb kamid ah waxa sal u ah waxyaabo aan xaqiiqo ahayn ama khuraafad u eeg, Washington Somaliland waxay ula macaamiisha in ay tahay gobol waqooyiga Soomaaliya ah iyada oo ay sidaa tahay, dadka ku dhaqan dhulkaasi waxay madaxbanani iyo dawlad u shaqaysa hasyteen muddo 30 sanno ah.

Xaqiiqo iska indho tirkaa ay Dowladda Mareykanku samaynayso waxay lumisay ama hoos u dhigtay qayb muhim u ah waxtarkiisa iyo dunida guud ahaan.

Nasiib wanaag waxa jira waxtar aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland u ogolaanasa Washington inay dhisto siyaasad ku salaysan xaqiiqooyin si hor leh u taageeri kara dimuqraadiyada, sidoo kalana difaaci karta danaha maraykanka ee khuseeya aagga uu shiinuhu gacanta ku hayo iyo xoojinta mid ka mida meelaha yaree xasiloon ee gobolkan geeska Afrika, ku yaala kaas oo qaska iyo qul-qulatooyinku halakeeyeen.

Somaliland waxay hore u qaadatay xornimadeeda, hillaadii 1960-kii ayaa Boqortooyada ingiriiska dib uga laabatay dhulkaas 73 sano kadib oo maxmiyad ahaan u ilaalinaysay una maamulaysay, Somaliland kaliya muddo 5 maalmood ah ayay haysatay madaxbanaani-deedaa. ka hor intii ayna kula midoobin si qayd la’aana (bilaa shuruuda) Soomalidii Koonfureed; midawgaas oo markiiba ku noqday midaw aan la mahadin.

Sannadii 1961 dadka reer Somaliland waxay ka biyo diideen hannaankii loo maamulay qorida dastuurka iyo inay qayb ka noqdaan aftida lagu ansixinayay dastuurkaas  sidaa darteed dabayaaqadii sannadkaas ayay qayb ka mid ahayd saraakiisha military ga Somaliland ay isku dayeen af-gambi dhicisoobay.

1969kii kaligii taliyihii Mohamed Siyad Bare, ayaa xukunka kula wareegay afgambi military kaas oo intaa kadib ku bilaabay beegsi iyo olole bahalnimo ah umadda Somaliland isagoo isku dayaya inuu burburiyo xoogagii ka dhashay cagojuglaynta ummada Somaliland.

1991-kii markii ay burburtay Dowladii Soomaaliya, Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay marlabaad xorriyadeedii dub ula soo laabatay tahayna qaran madax bannaan. Waxa la bilaabmay dib u dhis ciidan iyo hub ka dhigis ay sees u ahayd hanaankii dawladnimo ee lagu guulaystay.

Somalilland maanta waxa ay leedahay ciidan, lacag, doorashooyin, siyaasad arrimo dibbadeed iyo dal-kugal(Passport).

Somaliland waxa ay diiday midaw dambe oo dhex mara, Koonfurta Soomaaliya muwaadiniinta reer Somaliland ee arrimaha siyaasada dawladda Federaalka Soomaaliya ka qayb qaataana waa la xidhaa.

Habayaraatee, ma jiraan wax door ah oo Muqdisho ku leedahay ama ka qaban karto, madaxbanaanida Somaliland,Imika iyo timaadada fog ee la saadaalin karo, Soomaaliya awood uma laha Somaliland ay ku qasabto in ay Federaalka dib u qaataan.

Si kastaba ha ahaate, in kasta oo ay Somaliland tahay waddan madax-bannaan, haddana  si guud marka loo eego arrinta dareeneeda lihi waa in Mareykan ku  uu la macaamilo Dowladda Federaalka, iyada oo anay jirin dad  cid allaale iyo cid  ma matelaysa  Somaliland.

Qiimo laxaad leh ayay Xukuumadda Washington ugu taagan tahay soo bandhigidda khiyaaligani,Maamulka Biden ayaa kor u qaadida iyo horumarinta dimuquraadiyada ka dhigtay tiirarka  uu kor ugu qaado, siyaasadiisa arrima dibbedda, iyada oo ay sidaa tahay weli haddana waxa meesha ka maqan fursadii ay beesha Caalamku ugu soo dari lahayd Dimuquraadiyadda ka go’an hirgalinteeda.

Taa beddelkeeda, siyaasadda Mareykanku waxay door bidaysaa ama taageersantahay mudnaana ay siinaysaa Dowladda magac u yaalka ah ee Federaalka taas oo ah mid aan,shaqayn Dimuquraadina ahayn oo hada Mareykanku kor joogtaynayo doorasho ka musuq badan kuwii hore loo qaban jiray.

Doorashayooyinka iyo hanaanka ay kursiga ku yimaadaan madaxda federalka ee sida wacan loogu qanacsaneyn sababo ah xanibaadaha ay soo rogtay Dowladda Muqdisho.

Dowladda Mareykanku sidoo kale ma awoodo in ay si buuxdo ula wadaagto Hargeysa/Somaliland in si habsami leh wax muuqda looga qabto cilladahaa maamul xumo ee dhabta ah ee yaala halkaa, sida fududna loo  maareyn karo.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanku waxay lumisay fursad qaali oo ay ku hannan lahayd goob Istraatiiji adduunka ugu astaysan.Somalilaland qiyaastii 70 Mayl oo u dhiganta 112.65Kilomitir waxay u jirtaa xudunta marin-biyoodka Babul-mandabka oo ah marin hawleed ay  ka gudbaan/ka gooshaan Maraakiibta ganacsi ee isu xidha Aasiya iyo Yurub.

Somaliland waxay leedahay xeeb dheraran 500 Miles oo ay gacanka Cadmeed la wadaagato, taas oo ku xidha Bariga-dhexe iyo Yemen, halkaasi oo ay Maleeshiyaadka  Dowladda Iiraan taageerto iyo alqaeda kula diriraan Sucuudiga iyo Imaaraatka, waana goob marin dhaqaalahe oo muhiim u ah Bariga Afrika gaar ahaan waddanka  labaad ee ugu dadka badan Afrika (Ethiopia) ee bilaa badda (land locked), oo gebi ahaanba ku xidhan wax la soo degitaanka badeecada (Import Good) dekadda Jabuuti ee  jaarka la ah.

Xaaladda dhabta ah ee Jabuuti ka jirtaana, waxa ay si gaar ah u xoojinaysaa xeeladaha Istraatiijiyadeed ee ku aadan aqoonsiga Somaliland.

Dalkan yar (Jabuuti), ayaa maamula amarana ku bixiya, marin-biyoodka, Bab-elMandabka, waxaana la odhan karaa waa dalka ugu dekadaha wanaagsan gobolka Dhanka cilaaqaadka marka laga eego waxa la odhan karaa Jabuuti waa dalka Afrika uu saameynta badan ku yeeshay Shiinuhu ee hoos yimaada, iyaga oo u arka in ay tahay meel istraajiyi ah oo dibadeed.

Shiinuhu waxa uu ka hirgaliyey/dhisay dekeddo ganacsiyeed ay Dowladda Jabuuti maamusho iyo qaar hore oo dekaddaha Jabuuti lahayd lana dayactiray, sidoo kale Dowladda Shiinaha oo ay wehelinayaan afar Shirkadood kale oo Shiiniis ah, ayaa waxay maalgaliyeen, maamulayeena dhiseena aagga ganacsiga- xorta (Free Trade Zone) ah ee Jabuuti ,kaas oo la rejaynayo in uu noqdo ka Afrika ugu balaadhan.

Xukuumadda Beijing Jabuuti waxay deymisay/amaah ahaan ku siisay, lacag aad u badan oo wax lagaga qabanayo laguna dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo ay fuliyeen Shirkado Shiine ah.

Sida la rejaynayo waxa laga yaabaa in dalkan yari uu awoodi waayo in uu si dhakhso ah isaga bixiyo deyntaasi lagu leeyahay.

Sannadkii 2017kii Shiinuhu waxa uu Jabuuti ka samaystay saldhig Milatary oo fidsan awoodna leh. Saldhigga kaliya, rigliglina ah ee ay dowaladda Mareykan Afrika ku leedahay, isna waxa uu ku yaalaa waddanka Jabuuti.

Dowladda Mareykanku waa u muhiim in ay siixoojiso joogitaan keeda halkaa,(Jabuuti) Laakiin haddii ay Dowladda Mareykanku xidhiidh dhaw la yeelato Somaliland waxa uu ka caawin doontaa, in laga hortago hawlgalada iyo farogalinaha ay Xukuumadda Bijiin ka wado gobolka kuwaas oo lidi ku ah Mareykanka danihiisa.

Dowladda Eritrea oo dhacda galbeedka Jabuuti waxa ka arrimiya, maamul kalidii talis ah oo ay adag tahay in lala shaqeeyo/ xidhiidhna lala sameeyo, Yeman oo iyadna ah meel Istaraatiji ah, waxay ku jirtaa xaalad qalaase ah oo muddo dheer ka jirtay.

Somaliland jaarkeeda bariga Afrika, waxa suuro gal ah in qalalaase ka dhaco waana muhiin in lala sameeyo cilaaqaad. Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa magaalada Muqdisho qabsan lahaa, haddii aanay jirin ciidamada caalamiga ah ee la dagaalamay ee ka saaray magaalada. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa si joogto ah gebi ahaan ba u ragaadiyey/curyaamiyey qalalaase siyaasadeed kaas oo xilliyada qaar sababa rabshado dhaca.

Dhawaan eyay ahayd, markii uu Madaxweynihii xilka ka degay uu muddo kordhin aan dastuuri ahayn oo labo sanno  ah uu samaystay, taas oo sababtay in laga biyo diido isu soo bax dad waynana sababtay iyo maleeshiyaad iskood isu bahaystay dagaalna ku dhawaaqay. Dalka ugu weyn gobolka ee Itoobiya, ayaa waxa laga cabsi qabaa in  dagaalo sokeeye oo qoomiyadaha u dhexeyee ka bilaabmaan.

Buuxinta Dhaanka ay Itoobiya doonaysa, ayaa waxa uu keenay in ka xanaqaan waddamada uu biyo-mareenku maro ee ay kamid yihiin Masar iyo Suudaan hanjabaada hor lehna waa ka soo saareen xiisadaha colaadeedna cirka ayey isu shareertay, khilaaf xuduudeedka Itoobiya iyo Suudaan wuu sii kordhay.

Dowladda Suudaan iyada oo ku jirta xaalad kala guur ah haddanna, rejo ayey leedahay. Caqabadihii ugu dambeeyeyna waxay ahaayeen dejinta isku daygii af-gembi iyo shacbiga ka tirsanaa Dowladda ku meel gaadhka ahaana waxay halgan ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen xasiloonida iyo in aan xukunka lagu tagrifalin  lana maroor sanin; taariikhda waddankana aan la baabiin xukun maroorsina aannu dhicin ee awoodda la wadaago. (Power Sharing).

Dhanka kale, waxa isa soo taraya cawaaqib-xumo ka dhalatay markii ciidamada Eratariya, oo garabsiinaya kuwa Itoobiya ay galeen gobolka Tigray kuwaas oo sameeyey xadgudubyo kala duwan intii lagu jiray, duulaanka ay Dowladda Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray.

Doorashooyinkii sannadkii 2022-ka dalka Kenya ka dhacay, ayaa ahaa mid laga dayriyay, walaac badanina hadheeyey, iyada oo laga tisqaadanayo doorashadii dhiiggu ku daatay ee ka dhacday sannadkii 2008-dii.

Xaaladan adag ee deegaanka ka jirta awgeed Dowladda Mareykanku waa in ay raadisaa goob xasiloon oo danaheeda horumarineedna macno buuxa u yeeli kara, dhul ahaan ha u haba yaraatee, la isuna halayn karo xasiloonideeda iyo degenaashaha ka jira awgeed.

Sidoo kale, reer Somaliland waxa ay caddeeyeen si cadna u sheegeen rabitaankooda ku aadan in Mareykanku Africa ku soo bandhigo hindisihiisa mucjisada ah. waxa kale oo ay diidmo qayaxan kaga jawaabeen hanjabaadaha Dowladda China ee ah in ay xidhiidhka dublumaasiyadeed ee dhexmaray Taiwan ay Somaliland jarto.

Dhankale, marka  laga eego Ficilada reer Somaliland waxa ay daaran yihiin danno gaar ahaanneed oo ah Shiinaha oo ka hor yimaada Somaliland in gacan ay siin karto Mareykanka aqoonsina kaga heli karto, dhanka kale sharad siyaasadeedna u noqon karta una saamixi doonta in uu ku baaho Afrika inteeda kale Mareykanka ee saaxiibada siyaasadeed uu ku leeyahay, sidaa darted la shuraakowga Mareykankuna tahay doorashada saxda ah.

Walaaca joogtada ah ee ay muujinayaan dadka ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland, ayaa ah in ay tani dhiirigalin doonto dhaqdhaqaaqyada kale ee gooni goosadnimada qaarada. mala awaalkan ama khiyaalkan (Hypothesis) hore, ayaa loo tijaabiyay sababtoo ah Eritrea waxay qaadatay madaxbanaani 1991 sidoo kale south sudan baa heshay 2011. sidaas oo ay tahayna ma jirin mashaakil rigliya oo ka dhashay madaxbanaanida labadan qadiyadood.

Run ahaantii in la sameeyo halbeeg gooni isu taag oo ku salaysan ka Somaliland waxay kor u qaadaysaa ama wax kataraysaa xayndaab ka lagu kasbado aqoonsiga mar hadiiba ayna jirin wadan kale oo Afrika ah oo gooni goosadii kuna dhaw madax banaani ama guulaha Somaliland oo kale taas oo xuduudkeedu maanta yahay kii ay ku qaateen xornimadooda. 1960 kii sidoo kalana la jaan qaadaya cahdiga wadamada xubnaha ka ah midowga Afrika ee qeexaya in xuduuduhu u ilaashanyihiin sidii xornimada ku qaateen ama gumaystuhu kaga tagay.

Marmar iyo dhif ayay Washington u heshaa fursad ay ku samayso waxa saxda ah iyadoo samaynasa horumar la taaban karo oo ah danaheeda qaran si kharash yariya.

Mareykanku waxa uu ka meermeerayaa kanshada uu Dowladda federaalka Muqdisho ee ku dhisan musuqa iyo xilkasnimo la’aanta kaga sarraysiin lahaa Dowladda shaqaynaysa ee dimuqraadiga ah ee Hargeysa. Arrimahan oo dhan waa wax la sixi karo haddii Washington ay garwaaqsato xaqiiqada madax-bannaanida Somaliland.

Waxa Qoray: Joshua Meservey

Senior Policy Analyst, Africa and the Middle East

Joshua Meservey is the Senior Policy Analyst for Africa and the Middle East at the Heritage Foundation.

 Waxa Turjumay: Sacad Muse Ibrahim

Muhiyadinjama01@gmail.comcom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here