“Jamaal Cali Xuseen Waa Nin Isku soo Miidaamiyay Siyasada Somaliland Taasi Oo Uu Ku Keentay fashil Siyaasadeed” Siyaasi Axmed talyaani

0
676

HARGEISA , (HargeisaPress) —Gudoomiyihii urur siyaasadeedkii Nasiye Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani)  Oo kamida Siyaasiyiinta Somaliland  ayaa si adag uga jawaabay Eedo Uu Murashaxa Madaxwayne Ee xisbiga Ucid jamaal cali xuseen Kula Dul dhacay Ganacsade Maxamed Aw siciid Geedi oo kamida Ganacsatada Waawayn ee Somaliland iyo Djibouti,

 

Siyaasi Axmed Talyaani oo maanta shir jaraa,id oo ku qabtay magaalada Hargaysa  wuxu si adag uga difaacay Eedihii uu jamaal cali xuseen ku Duray  ganacsadaha sidoo kale wuxu dhaliilo culus u soo jeediyay murashaxa xisbiga ucid oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin ku fashilmay in uu la jaan qaado siyaasada Somaliland.

 

 

Halkan hoose ka Daawo muuqaalka Warka

 

 

 

shirkan jaraa,id waxaan u qabtay in aan kaga jawaabo eedo uu jamaal si lamaane ah ugu wada eedeeyay gudomiye muuse biixi iyo ganacsade maxamed aw siciid  ugu wada eedeyay arimo aan ka qaban oo meel ka dhac ku ah qof siyaasiya oo han leh oo  kursiga dalka ugu sareeya ayaan u tartamayaa,leh

 

“Murashaxa Jagada Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid jamaal waa nin isku soo miidaamiyay mowjadaha siyaasadeed ee somaliand isagoon aqoon Dabaashooda, ayuu yidhi Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani) .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here