Qaraxyo ka dhacay Yemen iyo Ciraaq oo Sababay Khasaarooyin Isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac + SAWIRRO

0
821

BAGHDAD, Iraq— Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Waddamada Yemen iyo Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 52-qofood, iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen boqlaal kale.

 

Garoon lagu dheelo kubadda oo ku yaalla dalka Ciraaq ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30-qof, iyadoo ay ku dhawaamaceen toddobaatameeyo kale, waxaana qaraxan la sheegay inuu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof miineysan.

 

Dhammaan shacabkii goobtaas ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay, ayaa waxay daawanayeen cayaar ka socotay garoonkaas kubadda cagta ee weerarkan. Iyadoo xilliga uu qaraxan dhacayay koob la guddoonsiinayay kooxidii ku guuleysatay cayaartaas.

li-iraq-rtr2vwxi

Waddanka Ciraaq ayaa waxaa tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee uu madaxda ka ahaa Saddaam Xuseen ka socday weerarro salka ku haya mad-hab, kuwaasoo u dhexeeya Shiicada iyo Sunniiyiinta dalkaas kuwada nool.

 

Sidoo kale, Weerar ay 3-qof oo miineysan la beegsadeen koontarool ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxay ku dileen in ka badan 22-qof, iyadoo dadka dhintay ay ku jireen haween iyo carruur koontaroolkaas ka ag-dhawaa.

 

Mas’uuliyada weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Daacish, waxaana ay ka mid tahay magaalada Cadan ee weerarku ka dhacay magaalooyinka ay gacanta ku hayso dowladda itaalka-daran ee ka jirta Yemen.

Yemenis inspect the scene of a car bomb attack that killed a Yemeni senior official in the southern port city of Aden, Yemen, Sunday, Dec. 6, 2015. A huge explosion killed the governor of Yemen's southern Aden province and six of his bodyguards on Sunday, security officials said, in an attack that was later claimed by a local Islamic State affiliate. (AP Photo/Wael Qubady)
Yemenis inspect the scene of a car bomb attack that killed a Yemeni senior official in the southern port city of Aden, Yemen(AP Photo/Wael Qubady)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu dambeyn, Yemen oo ay u buuxsantay muddo sannado ah illaa markii ay Colaaduhu ka billowdeen, ayaa waxaa weli isku haya Awoodda Dalkaas kooxda Shiicada ee Xuuthiyiinta iyo Xukuumadda dalkaas ka jirta oo ay taageerayaan Quwado Carbeed.

 

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Yemen Cabdul-rabbu Mansuur Haaddi, ayaa qaab Dibad-joognimo ah ugu Nool Saudi Arabia, inkastoo uu dhowr jeer oo hore tagay Cadan, haddana wuxuu dib ugu laabtay dalka Sucuudiga.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here