Jabuuti oo War Ka Soo Saartay Heshiiskii Ay Wada Gaadheen Madaxda Soomaaliya

0
1031
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle

Djibouti (Hargeisa Press) – Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa ay war ka soo saartay heshiiskii arrimaha doorashada ee ay wada gaadheen madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada.

Jabuuti oo war qoraal ah soo saartay, ayaa soo dhowaysay heshiiskaasi ay Madaxda Soomaaliya ka wada gaadheen arrimaha doorashada.

Waxaanay Jabuuti sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay heshiiskaasi taariikhiga ahaa ee ay wada gaadheen dhamaan dhinacyada isku hayay siyaasada Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

“Dowladda Jabuuti waxay dhiiri gelinaysaa dhamaan saamilayda siyaasadeed ee Soomaaliya inay si buuxda uga qayb qaataan heshiiska lagu doonayo in lagaga gudbo xaalad kasta oo keeni karta xasilooni darro amni oo soo wajahda Soomaaliya” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Jabuuti.

Sidoo kale, warka ka soo baxay dowladda Jabuuti, ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay taageerayso dadaal kasta oo Soomaaliya u horseedaya nabad, xasilooni iyo waliba hormar buuxa.

Geesta kale, dowladda Jabuuti, ayaa Beesha Caalamka ka dalbatay inay si buuxda u taageeraan dadaalka ka socda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here