Jabhadii Gobolka Awdal oo Ka Noqotay Mowqifkoodii

0
964

Boorama (Hargeisa Press)- Ergooyin isugu jira Aqoonyahano, Oday dhaqameed iyo Masuuliyiin xukuumada Somaliland ka tirsan ayaa maanta ku guulaystay inay soo afjaraan koox dhawaan deegaan Laastuug oo hoostaga gobolka Awdal kaga dhawaaqay inay yihiin Jabhad la baxday Cawaale.

Wadahadal dhexmaray ergadaasi nabad-doonka ah iyo kooxdaasi jabhada la baxday ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqeen inay soo afjareen arintaasi isla markaana kooxdaasi ay ka noqdeen jabhadaasi Cawaale, tabashadoodana xukuumadu ay dusha ku qaadatay.

 

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii arintaasi ka hawlgalay ee ku guulaystay inay soo afjaraan ragaasi tabashadooda dhinaca qaldan u maray oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi β€œSi guul ah ayay noogu dhamaatay, halkaana waxa aanu ku soo afjarnay oo ay noogu balanqaadeen inay kaga noqdeen jabhadii ay ku dhawaaqeen dhawr cisho ka hor ee ahayd jabhada Cawaale, oo ay halkaa ku tirtireen sida ay halkan kaga dhawaaqeen,” ayuu yidhi Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan

Hargeisa Press Desk/ Boorama Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here