Jaamacadda Hargaysa Oo Ka Mid Noqotay Ururka Jaamacadaha Afrika

0
657

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Jaamacadda magaaladda Hargaysa ayaa ka mid noqotay ururka ay ku midoobeen jaamacadaha qaaradda Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo AAU.

Sidaasina waxaa shaaciyay agaasimaha qaybta xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ee jaamacadda Hargaysa Maxamed Axmed Sulub, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta jaamacadda Hargaysa.

Waxaanu sheegay in jaamacadda Hargaysa ay si rasmiya uga mid noqotay, isla markaana shahaadadii ururka AAU ku aqoonsaday jaamacadda Hargaysa loo soo diray todobaadkii hore.

Maxamed Axmed Sulub, madaxa qaybta xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ee jaamacadda Hargaysa waxa uu faahfaahin ka bixiyay  waxyaabaha ay jaamacadda Hargaysa ka faa’iidayso ka mid noqoshadda ururka jaamacadaha Afrika.

Taasoo ay ugu muhiimsan tahay in ardayda shahaadadda koowaad ka qaata jaamacadda Hargaysa ay dal kastoo Afrika ah ku soo qaadan karaan shahaadadda heerka labaad.

Halkan Ka Daawo Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha Jaamacadda Hargaysa Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

HARGEISA PRESS.COM/HARGAYSA OFFICE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here