Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo La Dabaal Dagay Dufcadii 9aad Ee Ka Qalin Jabisa Jaamacada Eelo Ee Boorama+ SAWIRRO

0
879

Boorama,(HargeisaPress) —Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Eng. Cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxa uu maanta shahaadooyin ka marag kacayay takhasaadka Dipoma Degree iyo Mastar gudoonsiiyay 305 adaray oo ku abtirsanaya dufcadii 9aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Eelo ee magaalada boorama, ardaydaas oo ka kala qalinjabiyay 7 kuliyadood oo kala duwan oo ay ku jirto kuliyada caafimaadka oo markii u horaysay laga qalinjabiyay.

Xafladan oo lagu ibo furay hool qalinjabin ah oo aad u balaadhan oo ay Jaamacadda Eelo dhisatay ayaa waxa buux dhaafiyay, Arday, Waalidiin, Masuuliyiin Heer qaran, heer degmo, iyo heer gobol ah, Xildhibaano ka socday golayaasha qaranka, salaadiin, aqoonyahano iyo haldoor kale oo dhamaantood waqtigooda u soo huray inay ka marag kacaan hormarka ay Jaamacadda Eelo ku talaabsatay iyo sidoo kale inay u hambalyeeyaan qalinjabiyayaasha maanta.

Madashan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Eelo Dr. Maxamuud Xuseen Cige waxana uu ka sheekeeyay hormarka ay Jaamacada Eelo ku talaabsatay mudadii 11ka Sano ah ee ay Jirtay, isaga oo mid mid u gorfeeyay waxyaabaha ay ku soo kordhiyeen Jaamacadda ee dhinacyada Waxbarashada, Manhajka, iyo Dhismayaasha, waxana uu ugu dambayntii ka marag kacay in maanta ay 305 arday ka qalinjabinayaan 7 kuliyood oo Jaamacada ah iyaga oo ay ardaydan siinayaan takhasusaad heerarkoodu kala sareeyo.

 

Gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Eelo, Sh. Maxamed Siciid Saaweer, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xasan Xadi Baade, Aqoonyahan, Arady Waalidiin iyo Masuuliyiin kale oo madashan ka hadashay ayaa hambalyeeyay Jaamacadda Eelo, Ardayda iyo Waalidiintii ku soo tacabtay intaba.

Wasiirkiii Hore ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirkii Hore Wasaarada Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Cali Mareexaan ayaa labaduba ay hambalyeeyeen ardayda Qalinjabisay, waxana ay ku fogaadeen ahmiyada ay leedahay aqoonyahanka ay jaamacaduhu dalka u soo saarayaan iyo in loo baahan yahay in Jaamacaduhu ay duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira ka soo saaraan cilmi-baadhisyo sal u noqda talaabooyinka ay xukuumadu ku kobcinayso dhaqaalaha.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md. Axmed Taajir, Wasiirka Wasaarada Ganasiga Somaliland Maxamuud Saajin, iyo Wasiirka Wasaarada Hormarinta Caafimaadka Somaliland Prof. Cumar Cali Cabdilaahi ayaa qalinjabiyaasha hambalyeeyay, sidoo kalena Jaamacadda Eelo uga marag kacay hormarka ay ku talaabsatay.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Shahaadooyin gudoonsiiyay ardaydii ugu saraysay ee qalinjabiyayaasha dufcadii 9aad ee Jaamcada Eelo ka tirsanaa, waxana isaga oo si gaar ah ugu hambalyaynaya Arayda uu yidhi

“Waxa aan u hambalyaynayaa Waalidiintii idinku soo tacabtay iyo ardayda Qalinjabisay labadaba, waxaan idin leeyahay waxa aad ku soo biirteen aqoonyahankii dalka, soo dhawaada, dawladuna wax walba oo shaqo abuur ah oo tabarteeda ku aadan way samaynaysaa, idinkana waxa idinku waajib ah in aad fikir keentaan oo aad u fikirtaan dalkan hormarintiisa sidii aad uga qayb qaadan lahaydeen, waanan idin hambalyaynaynaa”

Marka dib loo milicsado Bilawgii xaladan qalinjabinta ah ayaa Madaxwayne ku xigeenka iyo wafdigiisu waxa ay ka marag kaceen hormarka ay ku talaabsatay jaamacada eelo, waxana ay xadhiga ka jareen laba xarumood oo ay Jaamacadu dhisatay, kuwaas oo ku kala yaala Bartamaha iyo duleedka Magaalada Boorama.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here