Somaliland: Xukuumadda Oo Dariiq Kale U Leexisay Kabka Goboladda Bariga

0
750

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in wax ka bedel lagu sameeyay qaabkii markii hore lagu bixin jiray lacagta kabka ah ee ahayd boqolkiiba labaatan oo loogu tallo galay horumarinta goboladda bariga.

Lacagtaasi oo markii hore ku bixi jirtay nidaam siyaasadeed ayaa la sheegay in hadda loo bedelay hanaan horumarineed, isla markaana lagu fulin doono mashaariicda horumarineed ee goboladda bariga Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac, ayaa ku tilmaamay sababta isbedelka loogu sameeyay lacagtaasi 2% ahayd in wixii hadda ka danbeeya loo bedelay in wax loogu qabto bulshadda goboladda bariga.

“Waagii hore lacagta boqolkiiba labadda ah (2%), arrimaha amaanka iyo arrimo kale oo bariga ka taagnaa ayaa loo isticmaali jiray.

Waxba kama muuqan, amaanka maahee, waxa kale wax ka muuqday ma jirin”ayuu yidhi Sahal Maxamed Jaamac, oo maanta Hargaysa kula hadlay SAAB TV.

 

Wasiir ku-xigeenka gaadiidka iyo jidadka Somaliland waxa kaloo uu sharaxaad ka bixiyay qorshaha ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi u bedeshay lacagtii la siin jiray goboladda bariga.

Waxaanu yidhi “Xukuumadan uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi, waxay garteen wax muuqda in lagu qabto lacagtaasi. Balse aan lagu qaban wax inta maanta la qaato ama oday la siiyo, oo lagu deberro, taa iyada waa laga tegay.

Xukuumadani waxay goosatay in wax qabad loo bedelo, wixii anfacaya ayaanay ugu qabanaysaa goboladda bariga”.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka gaadiidku waxa uu ka warbixiyay safar uu dhawaan ku tegay goboladda Sanaag bari, waxaanu sheegay in degaamadii uu soo maray ay dadka xaaladoodu wanaagsanayd oo ay barwaaqo ku jireen.

Sahal Maxamed Jaamac, ayaa intaas raaciyay in magaalooyinka Dhahar iyo meello kaloo uu soo maray in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay, isla ay bulshadda degaamadaasi u muujiyeen siday u rabaan in ay ula shaqeeyaan dawladda Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

HARGEISAPRESS.COM/HARGAYSA OFFICE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here