Iskaashatada Gaadiidleyda Tawfiiq Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Qaar Kamid ah Sideeda Xubnood ee Gudida Iskaashatada

0
1028

Berbera(HargeisaPress)-Dirawaliinta iyo Gaadiidleyda Somaliland ee intooda baddan Rarka ka qaada Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera ayaa sheegay in ay si adag cabasho uga Muujiyay Xubno kamid ah Gudida Iskaashatada Gaadiidka ee Tawfiiq Gaar ahaana Xubnaha Sideedda Xubnood ah ee Gudidaasi Fulinteeda Katirsan.

Gaadiidleyda iyo Dirawaliinta kujira Iskaashatada Tawfiiq ee Gaadiidka Somaliland oo Cabasho cod-dheer ah Warbaahinta u marinayay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa ka codsadey in uu Talaabo ka qaado Cabashadooda ku aadan Xubnaha Gudida Sideeda ah ee Burburinaya Nidaamkii iyo kala dambeyntii iyo Shuruucdii loo sameeyay Iskaashatada Gaadiidka, islamarkaana, uu tacabka badani ka galey Wasiirka laf-ahaantiisa  iyadoo ay  Mushkilado Joogto ah  Iskaashatada Gaadiidka ku hayaan, Dirwaliinta iyo Gaadiidkana ka niyad jabiyay in lagu

Jamaal Xasan Samater oo kamid ah Dirwaliinta Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka ah ee Rarka Ka Qaadda Dekedda Weyn ee Berbera ayaa Sheegay in Xubnaha Gudida Iskaashatada Tawfiiq ay Dhibaatooyin baddan soo gaadhsiiyeen Sharcigii iyo Nidaamkii Iskaasahatada Gaadiiidka islamarkaana, ay marar badan ka Leexiyeen ujeedooyinka iyo Mabaa,diida Loo Aasaasey Iskaashatada iyagoo mar walba Tixraacaya ama u beydhaya Dano gaar ahaaneed, oo iyaga Khuseeya.

«Xaqiiq markaanu ka hadalno inkastoo Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka ka qaada Dekedda Berbera iyadoo, ay jiraan Duruufo iyo Dhibaatooyin baddan oo Gaadiidleyda xataa Muwaadinimadoodii mararka qaar Wax u dhimaya haddana waxaaba ka daran hadda in Sharcigii iyo Xafiiskii iyo Nidaamkii Iskaashatada ay Mar Walba Caqabad kuyihiin Koox ka Kooban Sideeda Xubnood ee Gudida Fulinta Iskaashatada kuwaas, oo habeen iyo Maalin walba ku hawlan arimo ka baxsan Qawaaniinta Iskaashatada kuna Foogan Danno gaar ah oo Burburinaya Xafiiska, iyo arimo Niyad-jab iyo kala Qeybin ku ah Xooga Darawaliinta iyo Muwaadiniinta Gaadiidleyda Reer Somaliland sidaa daraadeed Wasiirka Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaga laf ahaantiisa tacab baddani ka galey Xafiiskan Waxaan leeyahay Sacaadatal Wasiir Annigoo ku hadlaya Codka Dirawaliinta ugu badan ee Gaadiidleyda Somaliland, Waxaan kaa codsanaynaa inaad hoos u eegto arinta Gaadiidka Xamuulka iyo Iskaashatada Gaadiidka ee Tawfiiq oo Burbur iyo kalajab ay ku Waddaan Sideed Xubnood oo Gudi Wax-magarato ahi haddii uu inaka burburo Ururkaasi waa mid culays badan ku noqonaysa Wasaaradda Gaadiidka, Waxaanu filaynay Mudane Wasiir in Dhibaatooyinkii na haystey, Gaadiidka Xamuulka Somaliland oo marxalado kala duwan dalkan lasoo marey oo soo gaadhey in ay Bal sameeyaan Urur iyo Iskaashato maamulkooda ka shaqeysa oo ay ka dareemaan Maamul iyo Hurumarka Somaliland ee Soddon-jirsadey waxaa nasiib darro ah in ay maanta ku buruburayaan Toban nin Waxaan ka badneyn gacantooda»Sidaa Waxa yidhi Jamaal Xasan Samater oo kamid ah Dirwaliinta Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka ah ee Rarka Ka Qaadda Dekedda.  

Waxa kale oo Dirawaliinta gaadiidka Xamuulka ee Somaliland Siweyn uga cawdeen in ay ka Waayaan Mararka Qaar Magaalada Berbera, Meel Gaadiidku istaago oo ay ku Sugaan Daabulka iyo Rarka Dekedda taas, oo haddii ay Sidaa kusii socoto noqon doonta Cawaaqib Xumo iyo Foolxumo Gobolka iyo Dalkaba Ceeb ku ah in Maalin Walba Meel Gaadiidku istaagi jirrey oo Soonihii Dekedda ah ayaa la Seesayaa sida ay hadalkooda u Dhigeen.

Gaadiidleyda Gaadiidka Xamuulka Ka Qaada Dekedda Berbera ayaa, siweyn uga hadley Buuq iyo Khilaafyo soo dhexgaley Iskaashatada Gaadiidka kuwaas oo ka imanaya Dhinaca Xubnaha Gudida Iskaashatada marka laga Reebo Sadexda Xubnood ee Xafiiska Maamulka ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here