Dowladda Farmaajo Oo Saaka Ku Fashilantay Inay Diyaaradda Ethoipoin Airline Ka Hor Istaagto Duulimaadkeedii Hargeysa

0
3781

Hargeysa,(HargeisaPress)–Dowladda Madaxweyne Farmaajo ee Xamar ka talisa’ ayaa Saaka ku guul daraysatay inay Diyaaradda Ethoipoin Airline duulimaadkeedii Madaarka Hargeysa ee Somaliland ka soo degaayey ay hor istaagro ama jooniso.

sida ay xoguhu sheegayaan Duhlimaadla Diyaaradda Itoobiyaan Airline oo Saaka Madaarka Addisababa ka soo qaaday Rakaab kuna soo jeeday Madaarka Hargeysa’ waxa Diyaaradaasi markay Xudduuda Jamhuuriyadda Somaliland marayso xidhiidh la sameeyey Maamulka Muqdisho oo ku amray siday xoguhu sheegayaan inay dib ugu laabato Madaarka Adisababa ee ay ka soo kicitintay isla markaana aanay soo geli karin Xudduudaha Somaliland oo ay maamulka Muqdisho kudoodayaan inay ka mid tahay dhulka ay maamusho dowladda Xamar.

Diyaaradda Itoobiyaan Airline ayaa markii Somalia ay amarka ku siisay in aanay Xudduuda Somaliland soo geli karin waxay ku hakatay Hawadda sare Magaaladda Diridhaba ee Xudduuda ay Itoobiya la wadaagti Somaliand oo dhowr jeer ay magaaladaasi ku dul meeraysatay balse markii ay maamula Diyaaraddani xidhiidh dib u la yeelatay Madaarkii ay ka soo duushay ee Addisababa waxa lagu amray inay amar buuxda ka haysato Dowladda Itoobiya iyo ogolaansho ka yimid Jamhuuriyadda Somaliland ka haysato.

Ugu dambayntii Diyaaraddda Ethopian Airline ee Saaka Rakaàbka u sitday magàaladda Hargeysa’ ayaa si nabad qaba uga soo dejisay Madaarka Hargeysa goor dhawayd oo 11:00 markay saacaddu ahayd ‘ waxaana xusid mudan inay Maamulka Muqdisho ku fashilmeen isku daygii ay rabeen inay Diyaaradda Itoobiyaan Airline ku hor istaagto duulimaadkeeda ay Somaliland ku timid.

Abdiwali — HargeisaPresss

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here