Iska Hor Imaad Rabshado Wata Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalo Xuduudeedka Wajaale Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay

0
911

Wajaale, (HargeisaPress) —War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhay magaalo xuduudeedka Togwajaale ee gobolka gabiley ayaa sheegaya in saaka uu ka dhacay degmada Wajaale iska hor imaad rabshado wata.

 

Iska horimaadkan ayaa naloo xaqiijiyay inuu dhex-maray ciidanka booliska degmada Togwajaale iyo shacabka ku dhaqan magaalada Togwajaale, waxaana uu isku dhacani ka dhashay sida naloo sheegay ka dib markii ay ciidamada booliska degmadu ay isku dayeen inay ka kiciyaan dad shacaba oo wada ku ganacsanayay  isla markaana ah nimanka biraha tuma ee loo yaqaano Tumaalayaasha.

 

Waxaana iska horimaadkan shacabka iyo booliska dhex-maray uu sababay dhimashada hal ruux iyo saddex kale oo dhaawaca,Ka dib markii sida ciidamadu ay shacabkaasi u adeegsadeen rasaas nool.

 

 

Wixii warar ee soo kordha kala soco Warbaahinta HargeisaPress

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here