“Waxaan Markhaati ka ahay wax-qabadka iyo shaqada ka socota madaarradda dalka…”

0
311

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ka qayb galay munaasibad lagu abaal marinayay Shaqaalaha Haayadda Duulista iyo Madaarada Somaliland.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ka Markhaati kacayo wax-qabadka iyo Shaqada Ka socota Madaaradda dalka iyo hufnaanta shaqaalaha ka shaqeeya.

Waxaanu ku bogaadiyay maamulka, madaxda iyo shaqaalaha haayadda duulista sida hagar la’aanta ah ee ay qaranka ugu shaqeeyaan, isla markaana ay heeganka ugu yihiin fulinta masuuliyadoodda.

DAAWO: Khudbadii Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here