Danjire Taiwan U Dhashay oo Ka Hadlay Cilaaqaadka Dalkiisa iyo Somaliland

0
5103

Stockholm (Hargeisa Press)- Wakiilka Taiwan u fadhiya Sweden Mr. Vincent Yao, ayaa ka hadlay muhiimada xidhiidhka dalkiisu la yeeshay Somaliland.

Wakiilka Taiwan u qaabilsan Sweden Mr. Vincent Yao, oo u waramay idaacada Radio Sweden ayaa sheegay in cilaaqaadka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland ay ku doonayaan inay ku sii ballaadhiyaan joogitaankooda diblomaasiyadeed ee Afrika, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ku taallo Bogcad muhiim ah.

Danjire Vicent Yao waxa uu xusay inay Siddeed dal oo ka tirsan Midowga Yurub oo Sweden ka mid tahay ay Xafiiyo ku leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Diblomaasigaas reer Taiwan wuxuu intaas ku daray in dalalka Somaliland xafiisyada ku lihi ay gaadhayaan 22 Waddan.Waxaanu caddeeyey in Somaliland muhiim u tahay dalkiisa oo ay ka wada shaqeynayaan mashaariic ay ka mid yihiin Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta.

Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsan ayaa lagu majeertaa horumarka ay ka gaadheen Dawladnimada, Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyadda, waxana ka dhexeeya duruufo taariikheed oo iskaashigooda mataaneeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here