Haweenay Muslim Ah Oo Loo Doortay Raysal Wasaaraha Dalka Romania Taas Oo Noqotaysa Taariikhda Markii Ugu Horaysay

0
1374
Romania set to have its first woman and first Muslim as PM Sevil Shhaiden

Bucharest, (HargeisaPress/Agencies) — Haweenay haysata diinta islaamka, ayaa markii u horraysay dalka Romania  xisbi xaakimka dalkaasi u doortay Raysal wasaaraha cusub ee dalka Romania, waxaanay haweenaydan muslimka ahi noqon doonta, qofkii ugu horeeyay ee muslim ah ee raysal wasaare ka gaadha dalkaas.

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Sevil Shhaiden, ayaa hore wasiir uga ahaan jirtay xukuumadii kalsoonida lagala noqday, waxaana si buuxda isugu raacay xisbiga ugu kuraasta badan barlamaanka ee Social Democratic, waxaanay sidaa ku noqotay siyaasigi ugu horeeyay muslimiinta Romania ee jagada Raysal wasaaraha ku guulaysta.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here