Saxafiga caanka ah ee Raage Omaar oo kulan la leh Suxufiyiinta Somaliland

0
1264
Saxafiga caanka ah ee reer Somaliland Raage Omaar

Hargeysa,(HargeisaPress) —Ururka SOLJA waxa uu Suxufiyiinta Somaliland ee Hargeysa ku sugan ku war-galiainayaa in ay ka so qayb galaan kulan balaadhan oo habeenimada Sabtidu soo galayso ee 23 December, 2016 ka dhici doona Hotel Maansoor, kaasoo uu marti ugu yahay wariyaha Caanka ah ee Raage Oomaar

kulankan waxa maal-galinaya Telefishanka TRUE-CABLE waxaana marti-qaadka suxufiyiinta diyaarinaya Ururka SOLJA.

barnaamijkan waxa loo baahin doonaa si Toos ah waxaanay Wariye Raage Oomaar Suxufiyiinta iyo ka soo qayb galayaasha kaleba ku wada qaadan doonaan Dood, Su’aalo iyo warbixino kala duwan oo khuseeya Mihnada Saxaafadda.

SOLAJA waxay ugu baaqaysaa suxufiyiintu inay ka so qayb galaan. wakhtigu waa bacda Maqrib iyo Hotel Maansoor

MAHADSANIDIN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here