Xafladda Affurka ee Aqoonyahanka Somaliland ee Hindiya wax kusoo bartay. + SAWIRRO

0
814

Hargeysa, (HargeisaPress) – Jawigu wuu ka duwanaa Ramadaantii hore,Asxaabtani waxaa ka muuqata isu soo hilow cusub waxaana sabab u ahaa Siyaasada Dalka oo ay kaalintoodii soo xoogaysanayso Mucaarid iyo muxaafidba inkastoo la isla qaatay in midnimadda asxaabta la xoojiyo.

Xafladda waxaa ilaahay raali haka noqdee suurta galiyay Aqoonyahan #Mohamed Ali warsame, wuxuu ku dhiiraday isagoon Xil na hay in uu asxaabtan kulankan jeebkiisa ula baxo.
Waxaa abuurmay jawi dagan oo quluubta dadka isku furay,Xiiso badan looma haynin in Microphone-ka la wada qaato balse sheekada iyo kaftanka ayaa sees u ahaa kulankan.

Waxaa joogay Senioro Dalka india galay almost 1990 iyo Junior 2007-08 galay Ganacsato,Siyaasiyiin iyo Macalimiin jaamacadeed,Shaqaale dawladeed, mid shirkadeed iyo culimo.

Waxaan xusi lahaa in la isla qaatay in dalka iyo dadkaba xalkooda aanu ka qayb noqono oo awoodan la dhaqan galiyo.

Wasiir Saleebaan Koore wasiirka biyaha somaliland Wasiirkii hore Yusuf osman Yusuf Garas Agaasimaha guud ee gaadiidka Zayid Omar Abdilahi,Agaasimaha guud ee boosaha & isgaadhsiinta Ali daahir.
Proffesors Dalka jaamacadahooga wax ka dhiga.Ganacsato iskood ushaqaysta.

Wasiir Saleebaan Ali kore ayaa ku dardaaray aqoonyahanka in si dhakhso ah dalka horumarkooda qayb uga noqdaan isaguna kala shaqayn doona sidii ay u heli lahaayeen access kii iyo cidii ay la shaqayn lahaayeen si mutadawacnimo ah

Waxaana halkaa la isla qaatay in aan aqoonyahanku dibadda ka joogin waxa dalka ka socda ee Xalka iyo horumarkaba qayb ka noqdeeen.

Waxaan halkan mar labaad ku xusayaa Mohamed Ali warsame oo xafladda isagu suurtagaliyay, in lagu daydo oo ididiilo iyo kalgacalka asxaabtan lasii joogteeyo oo intii jaaniska haysaa u hurto jeebkooda waxay qayb wayn ka noqon doontaa xoogan iyo aqoonta in ay isku sii xidhnaadaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

Ahmedyasin Sh cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here