Puntland Oo Xabsiyadda Ka Sii Daysay 121 Maxbuus

0
814

Garoowe (Hargeisa Press.com): Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xabsiyadda ka sii daayay 121 maxbuus oo ku kala xidhnaa afar xabsi oo ku kala yaalla Puntland.

Wasiirka Cadaaladda ee maamulka Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayay ay yihiin kuwa u xidhnaa denbiyadda fudud. Kuwaasoo cafis loo fidiyay.

“Maxaabiistaas oo dhamayd 121 maxbuus, ayaa ah  kuwii u xidhnaa denbiyadda fudud, oo ku kala xidhnaa afarta xabsi ee ku yaala Puntland, ee kala ah Qardho, Garoowe iyo Boosaaso, cafis ayaana loo fidiyay” ayuu wasiirka cadaaladda Puntland oo maanta u waramay BBC.

Cawil Sheekh Xaamud, waxa kaloo uu sheegay in siidaynta maxaabiistani ay ka danbaysay kadib markii xeer ilaaliyaha guud ee Puntland u soo gudbiyay tiradda la sii daynayo.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maxaabiistani, waa dadkii denbiyadda yar yar galay. Qofkii qof dilay kuma jirin, qofkii Kufsi gaystay kuma jirin, qofkii dad dhacay kuma jirin.

Sida uu noo soo gudbiyay xeer ilaaliyuhu, dadkani waxay ahaayeen dadkii denbiyadda fudud galay”.

Geesta kale maxaabiista denbiyadda culus u xidhan ee weli xabsiyadda Puntland ku jira ayuu sheegay wasiirku in aan iyaga wax caawin ah la siinin, maadaama oo ay soo dhaw dahay Ciidul-fidrigii sidii marar badan oo hore dhacday.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here