Hargeysa: Dab Xoogan oo Ka Kacay Xaafad Ay Degan Yihiin Dad Barakacayaal Ahi

0
1478

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dab xooggan ayaa Saaka Hiirtii hore ka kacay Xaafadda Istanbul ee Waqooy-bari Magaalada Hargeysa.

Xaafaddan oo ay deggan yihiin Dad Barakacayaal ah oo reer Somaliland iyo Soomaaliyaba ah ayaa waxa ka kacay dab xooggan, kaasi oo khasaare gaadhsiiyey Guryo badan oo Jiingado iyo Buulal ay Dad ku noolaayeen ah.

Dabkan ayaa waxa isku hawlay isla-markaana bakhtiiyey Ciidammada Dab-damiska ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo gaadhay markii dabku kacay.

Waxaana ciidanka dabdemisku hakiyeen in dabkaasi uu ku fido guryaha kale.

Ma Jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo uu sababay dabkaasi, hasayeeshee waxaa jiray tiro Guryo Buulal ah oo gaadhayay 120 Guri dabkuna khasaare gaadhsiiyay, maadaama awooda dabka oo xooganayd, dabaylo u muuqday inay sii laba jibaarayaan saamaynta dabka iyo goobta oo ku taala meel taaga ayaa sii xoogeeyey xawaaraha holaca dabkani.Ilaa immika lama oga sababta dhalisay dabka.

Maaha markii ugu horaysay ee dab ka kaco kaamkan ku dhawaad Shan Jeer ayaa Barakacayaashan dab qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here