Dalka Kenya oo Lagu Qabanayo Dood Xaasaasi Ah oo Lagu Faaqidayo Markii Somaliland Xornimada Ka Qaadatay Gumaystihii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii

0
2219

Nairobi (Hargeisa Press)- Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya ayaa waxay qaban-qaabisay oo ay marti gelisay Dood xaasaasi ah oo si weyn loogu Fallaanqayn doono 60 Sanno dabadeed 26kii Juun, 1960-kii maalintii Somaliland gumeystahii Ingiriiska ay ka qaadatay Xorriyadeeda.

Doodan ayaa waxaa qayb weyn ka qaatay agaasinkeeda iyo qabanqaabadeeda Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambasador Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Doodan ayaa waxaa ay tahay mid ka duwan doodihii kale ee lagu faaqidi jiray xuska 26-ka June.

Khubadarada martida ah ee ka qayb galaysa doodda ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1. Drs. Edna Adan Ismaaciil, oo ah ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Soomaaliya.

2. Abdirahman Ismail oo ah Diplomat Ka soo shaqeeyay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, Khabiir dhinaca Tamarta iyo Maalgashiga ah, Haddana la Lataliye u ah wasaaradda Macdanta Somaliland.

3. Matthew Bryden: Agaasimaha Cilmi Baadhista Ee SAHAN.

4. Amb Mahboub Maalin: Xoghayihii Hore ee Urur Goboleedka IGAD.

5. Michael Rubin: Lafo-Gure Arrimaha Geeska Africa si weyn u daraasadeeya.

6. Dr. Jama Muse Jama: Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeisa, ahna Aqoonyahan shahaadada sare ee PHD-da ka haysta cilmiga loo yaqaan (African Studies specialising in Computational Linguistics of African Languages).

7. Michael Walls: Professor Ku takhasusay horumarinta siyaasadda iyo dhaqaalaha, qayb ka mid ah xog baadhistiisu wuxuu ka sammeeyay  arrimaha Somaalida ee Geeska Africa, wuxuu na ka mid ahaa Indho-indheeyaayashii caalamiga ahaa ee doorashooyinkii Somaliland Ka qabsoomay 2005-tii, 2010-kii, 2012-kii, halka uu 2017-kiina noqday (Chief Observer) for the  international Election Observation Mission for presidential elections).

Waxa Sidoo Kale dooda ka qayb galaya wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Doodan oo ah mid xaasaasi ah oo lagu faaqidayo markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska ayaa waxaa daadihinaya Joyce Biira.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here