Wasaaradda Dastuurka oo Munaasibad U Qabatay Dhalinyaro Bartay Dastuurka iyo Waddaniyadda

0
535

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa magaaladda Hargeysa munaasibad loogu qabtay 400 oo dhalinyaro ah oo lagu tababarayay barashadda dastuurka, iyo waddaniyadda.

Waxaana dhalinyaradaasi ay wax ku barteen qaybta barashadda dastuurka iyo waddaniyadda ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL.

Munaasibadaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL, wasiirro, siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here