Hargaysa: Shirka Ansixinta Qabyo Qoraalka Siyaasadda Maamul Daadejinta

0
502

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa, ka furtay shir ku saabsan ansixinta qabyo-qoraalka Siyaasadda maamulka daadejinta 2023-2030, (Validation Workshop-Somaliland Decentralization Policy $ Its Roadmap).


Shirkankan waxaa ka soo qayb galay dhamaanba maayarrada magaalooyinka dalka ee qaybta ka ah mashruuca JPLG.
Sidoo kale waxaa kulankani ka qayb gelaya qaar ka mida agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha dawladda.
Sida agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka, agaasimaha Guud ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta, agaasimaha Guud ee wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha.

Shirkan waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo kaashanaysa haayadaha kala shaqeeya mashruuca JPLG.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Cabdirashiid Xirsi Cali, oo shirkaasi furay ayaa ka hadlay muhiimada kulankaasi iyo u jeedadda laga leeyahay.


Isaga oo ku dhiiri-geliyey dawladaha hoose ee dalka in ay si fiican oo daah furan u maamulaan dakhliga soo gala, iyaga oo xooga saaraya horumarinta arrimaha bulshada.
Agaasimaha ayaa intaa ku daray in ay shirarka noocan ah laga soo qayb geliyo haweenka oo iyana ay doorkooda qaataan.
“Waxaynu U Baahanahay in Aan Maamulkeena Qurxino” ayuu yidhi agaasimaha guud.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here