Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Kulan La Yeeshay Garabka Haweenka Xisbiga

0
938

Hargeysa (Hargeisa Press) – Hoggaanka sarsare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay Hargeysa kulan ballaadhan kula yeeshay garabka haweenka xisbiga.

Kulankan ay Hoggaanka sarsare ee Xisbiga KULMIYE la yeesheen Garabka Haweenka ee Xisbigaasi, ayaa waxaa uu la xidhiidhay hawlaha dardargelinta ee xisbiga.

Waxaana kulankan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga iyo xubno wasiirro ah.

Kulankan ay hoggaanka Kulmiye la yeesheen xubnaha garabka haweenka xisbiga, ayaa waxa lagaga wadahadlay abaabulka xisbigu ugu diyaargaroobayo hawlaha doorashooyinka soo socda.

Masuuliyiinta KULMIYE waxay haweenka ka qaybgalay shirka uga xog-warrameen halka ay marayaan arrimaha doorashooyinka soo wajahan ee kala ah; ta ururrada siyaasadda iyo midda madaxtinimada dalkaba, waxaanay ku wargeliyeen in la xoojiyo abaabulka iyo diyaargarowga doorashooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here