Hargaysa: Jaamacadda ADMAS Oo Xalay Xaflad Soo Dhawayn Ah U Qabatay Ardayda Cusub Ee Sanadkan Soo Gashay + SAWIRRO

0
909

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Jamacadda Admas ayaa u qabatay xaflad lagu soo dhawaynayo ardayda ku soo biirtay sannadkan oo tiradoodu gaadhaysa in ka badan 1,100 arday (Kun iyo boqol arday).

 

Xafladda oo lagu qabtay barxadda hore ee Xarunta guud ee jaamacadda Admas ku leedahay Hargaysa ayaa ugu horayn waxa ardayda kalmadda furitaanka iyo soo dhawaynta u jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Ixsaan Cumar Ismaaciil oo uga mahadceliyay sida quruxda badan ee ardaydu uga soo qayb galeen XafladaΒ  waxaana hadaladiisii kamid ahaa β€œAniga oo ku hadlaya bahda jaamacadda Admas, ardayda hadda dhigata iyo kuwa ka qalinjabiyayba waxaan idinku soo dhawaynayaa Jaamacadda Admas immika laga bilaabana waxaad ka mid tihiin ardayda jaamacada waanad ku mahadsantihiin doorashada aad soo doorateen Jaamacadda Admas, wixii aad filayseen iyo wax ka badan ba waan rajaynayaa inaad ka heli doontaan”.Β  Ayuu yidhi Gudoomiye Ixsdaan.

ADMAS 10

Gudoomiyihu isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu u ballan qaaday ardayda inay heli doonaan waxbarasho tayo leh iyo macalimiin khibrad iyo aqoon sare leh sidoo kalena ay ka heli doonaan manhaj caalami ah oo ay kula tartami karaan ardayda kale ee daafaha dunida marka ay dhamaystaan waxbarashada jaamacadeed.

ADMAS 8

Gudoomiyuha ayaa mar uu la dardaarmayay ardayda cusub waxa uu yidhiβ€œArday ahaan waxa la idiinka baahan yahay inaad dadaal dheeraad ah la timaadaan halka uu macalinku yahay lecturer inaad idinku wax raadisaan oo Assigmentka iyo Quizes ka la idin siiyo aad soo dhamaystirtaan si aad aqoontiina u kordhisaan”.

ADMAS 4

Gudoomiyaha Qaybta Akadamiga Axmed Xasan Xaaji oo isna sidoo kale ka hadlay madasha ayaa tilmaamay in dufcaddani tahay lodkii 11aad ee jaamacadda soo gala β€œxafladdan waxaa loogu talagalay in ay isku bartaan ardayda cusub iyo waaxyaha maamulka ee jaamacaddu.

ADMAS 5

Waxa sidoo aynuΒ  tilmaami doonnaa xuquuqda uu ku leeyahay ardaygu jaamacadda sidaa si la mid ahna akhlaaqiyaadka looga baahan yahay ardayga, marka ay haddaba noqoto habka wax barasho ee isku dhafan ee aad gudo gali doontaan in aydaan dhayalsan koorasyada ay qaadan doontaan” ayuu yidhi

ADMAS 7

Isagaoo hadalka siiwatana waxa uu intaasi raaciyay β€œTusaale waxa idiinku filan ardayda ka baxday jaamacadda ee markay ku guulaysteen shahaadadii koowaad u gudbay tii labaad ee Masterta oo u qaybsamaya qaar hadda wadaΒ  PHD goodii iyo kuwo kale oo dhameeyay ba taasina waa marag ma doon aad hadda indhihiinna ku aragtaan” ayuu yidhi.

ADMAS 12

Madaxa qaybta akadamiyadda Mr Mukhtar Cabdi oo ardayda si faahfaahsan ugu sharaxay shuruucda jaamacadda ardaydana ka wacyi galiyay qishka iyo inuu mamnuuc ka yahay heerka jaamacadeed.

 

Waxa sidoo kale Goobta ka hadlay xubnoΒ  ka tirsan Maamulka jaamacaddaΒ  oo si gaar ah wax ugu tilmaannaa madaxa maamulka ee Jaamacadda Admas Pro.Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo kalmado dhiiri galin ah u jeediyay ardayda cusub ee sannadkan ka mid noqonaysa jaamacadda waxaanu u sheegay in ardaydu kaliya yihiin laba qaybood: qayb tirisa inta semester ama inta sanno ee ay jaamacadda ku jireen halka inta kalena tahay in is waydiisa maxaad baratay amma korodhsatay mudadaa aad wax baranaysay uguna duceeyay ardayda inuu alle ka yeelo kuwii wax ku qiimaya inta ay korodhsadeen.

ADMAS 9

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ardaydu ay hiigsigooda dheereeyaan, oo ay rajeeyaan inay ka gaadhaan aqoonta heerka jaamacadeed ee ugu sareeya ee la gaadho.

admas 13

Jaamacada Admas ayaa sanadba sanadka ka dambeeya waxaa sii badanaya ardayda ku soo biiraysa kuwaasi oo ku doorta jaamacada Admas aqoonta ay siiso ardayda kala duwan ee dhigata.

admas 14

Waxaa iyana kaalin mihiima ka qaata maamulka jaamacada oo ah kuwa ardayda u keena hadba waxyaabaha ay u baahanyihiin ardaydu.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here