Hargaysa: Ciidanka Dab-demiska Oo Soo Saaray Maydka Qof Balli Liqay

0
252

Hargaysa (P): Ciidamada Dab-damiska ee caasimadda Hargeysa ayaa maanta ku guulaystay in ay soo saaraan Maydka, Wiil dhalinyaro ah oo uu liqay Balli ku yaala dhinaca Koonfureed ee Hargeysa.

ALLE SWT ha u naxariistee marxuumka Balliga ku geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Dhoobo, kaasoo ku geeriyooday Balligaasi liqay oo ay biyo aad u badani ku jireen.

Ciidamada Dab-demiska caasimadda Hargaysa, oo ka hawl-gallay soo saarista Madka marxuumkaasi, ayaa sheegay in marxuumkaasi ay ku dhegtay Dhoobada hoose ee Balligu.

Hase yeeshee baadhitaan dheer oo ay Balligaasi ku sameeyeen ciidamadda Dab-demisku, dib ay ku guulaysteen in ay helaan Maydkiisa.

Sida lagu sheegay war kooban oo qoraal ahaa oo ay ciidanka Dab-demiska Hargaysa, dhacdadaasi ka soo saareen maanta.
Waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in baadhitaanka Maydkaasi, iyo soo saaristiisa ba ay goob joog ka ahaayeen ciidamada boolisku.

Geesta kale dhacdadani ayaa ka dhalatay iyadoo maalmahan ba ay caasimadda Hargaysa, iyo xawaaxigeedda ay si weyn uga hooreen roobabku gu-gu. Iyadoo na ay biyuhu buuxiyeen dhamaan ba meelaha Warraha ah, Balliyadda, iyo meelaha Berkadaha ah.

Ugu dambayn ciidanka Dab-damiska ayaa bulshada u soo jeediyey in ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada meelaha Dooxyada ah, Balliyada biyuhu ku jiraan, Xadhkaha Laydhka/korontadda, iyo dhamaan bawax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here