Hal Qof oo Ku Geeriyooday Guri Ku Gubtay Magaalada Wajaale

0
1387

Tog-wajaale (Hargeisa Press) – Ugu yaraan Hal Qof, ayaa ku geeriyooday, halka saddex kalena Ciidanka Dabdemiska ee degmada Wajaale ka soo badbaadiyeen Dab ka kacay Gurri Jiingad ah oo ku yaala xaafada Xasan Cawke ee magaalada Tog-wajaale.

Ciidanka Dabdemiska degmada Tog-wajaale oo goobtaasi gaadhay, ayaa gurmad u fidiyay gurigaas dabku qabsaday, isla markaana bakhtiyay kana xakameeyay in guryaha jaarka uu gaadho.

Sidoo kale, ciidanku waxaa ay soo samata bixiyeen ciyaalkii guriga ku jiray, waxaanay soo saareen Maydka Qofkii dabka ku nafwaayay.

Ciidamada booliska, ayaa gacanta ku haya baadhitaanka kiiskaasi, waxaana Maydka qofkaasi ku geeriyooday la geeyay cisbitaalka degmada Tog-wajaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here