Xisbiga Waddani oo Sheegay Inay Qayb Ka Noqonayaan Xalka Laascaanood

0
1894

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii xaaladda magaalada Laasacaanood xal loogu heli lahaa, kaddib dilal soo noq noqday oo meela loo jihayn, kuwaas oo sababay kacdoon shacbi oo ay xukuumaddu kaga jawaabtay cudud ciidan oo khasaare dhalisay, isla markaana uga sii dartay xaaladda.

Hase yeeshee xisbiga mucaaradka ee Waddani oo si weyn ugu dhaliilay xukuumadda inay ku fashilantay qaabkii loo waajihi lahaa nabagelyada Laascaanood, ayaa sheegay inay wixii karaankooda ah xisbi ahaan gacan ka geysnayaan xasilinta magaalada.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu kaga hadlay arrinta Laascaanood ku yidhi, “Mucaarad ahaan, waxa aannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gaysano sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Laascaanood”.

Xoghayaha WADDANI, wuxuu isagoo tilmaamaya arrinta Laasaacood yidhi, “Xaaladda maanta ka taagan Somaliland, waa midhaha ka dhashay siyaasad xumada xukuumadda talada haysa, taas oo xabaddu ay tahay jawaabta keliya ee ay u hayso tabashada dadkeeda iyo dibaxbaxa silmiga ah ee uu muwaadinku rayigiisa ku cabbirayo.” ayuu yidhi.

Qoraalka uu kaga hadlay arrinta Laascaanood, Xoghaye Khadar, wuxuu tusaale ugu soo qaatay dhacdooyinkii 11 August ee mudaharaadyada xisbigooda, isagoo yidhi, “11 August 2022, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa ay si arxandarro ah xukuumadu ugu laysay shacab aan hubaysnayn,  waxa keliya ee ay doonayeen wuxuu ahaa in dastuurka dalka iyo xeerarkiisa la xurmeeyo. maantana waa ay kasii fogaatay oo waxa la dilay muwaadiniin rayid ah oo ka cabanaya dilalka qorshaysan ee lagu khaarajinayo haldoorkooda.”.

Xoghayaha xisbiga Waddani, wuxuu sheegay in aannay Taariikhda ku jirin xabbad xal waara keentay, mana ay dhicin in cid lagu qasbo aragti iyo go’aan aannay doonisteeda ku qaadan. Marka ay xaalka Laascaanood tahayna, runta keliya ee taallaa waa in aannay jiri karin Somaliland aannay ka mid ahayn Laascaanood oo nabad ah, dadkeeduna dareemayaan lahaanshiiyaha qaranka.”.

Sidaas awgeed, Madaxweynaha muddo xileedkii la doortay uu dhammaaday waxaa looga fadhiyaa, in uu qaato go’aan ku dhisan xikmad, xilkasnimo, odaytinimo, dulqaad iyo fogaan arag.” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Sidoo kale, wuxuu qoraakiisa ku sheegay inay la gudboontahay Madaxweyne Biixi in uu liqo runta ah, “haddii shan sanno uu u soo shaqaynayay dhaqanka siyaasadda lagu sheegay ee ah muran, ku jiq sii, iskeen sii, qaybinta shacabka ee gaadhay in markii ugu horreysay taariikhda Somaliland xitaa xuskii 18 May laba meelood lagu kala qabsado iyo khilaafka aan sababta lahayn ee uu geliyay doorashooyinka, in maanta duruufuhu ay marayaan meel aanu dhaqankaasi innaga saari karin.”.

Gebagebadii, wuxuu sheegay in Caana daataba dabadood la qabaye ay mucaarad ahaan doonayaan inay xalka qayb ka noqdaan, “waxa aannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gayano sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Laascaanood, waase haddii la abuuro jawigii suurtagelin lahaa.” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here