Hoggaamiyihii Culimada Tabliiqa Somaliland oo Lagu Aasay Magaalada Barakaysan Ee Makka

0
1114

Makka (Hargeisa Press) – Daacigii weynaa ee Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal oo ahaa Hoggaamiyihii Culimada Tabliiqiyiinta Qaarada Afrika, ayaa ku geeriyooday dalka Sacuudiga 31 December 2022, kaddib markii xaallad caafimaad loo geeyay.

Sheekh ismaaciil, ayaa maantabsi weyn loo sagootiyay maydkiisa, isagoo nasiib u yeeshay in malaayiin muslimiin ah ka qaybgalaan salaatu Jinaasada Xaramka lagaga tukaday, isla markaana waxa loo gelbiyay maydkiisa xabaalaha Jantu Macallah ee magaalada barakaysan ee Makka Al Mukarama.

Daacigan, ayaa ahaa  mid u go’ay  dacwadda Illaahay iyo hannuunka dadka, wuxuuna in ka baddan lixdan sannadood ku soo jiray fidinta dacwadda, isagoo isaga talaabay qaaradaha aduuunka si uu dacwadda u fidiyo.

Dadka aqoonta u lahaa, ayaa sheega in Sheekh Ismaaciil xilli ku siman konton sannadood ka hor ganacsigii uu lahaa ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Badhatmaha Magaalada dhismaha xigga Fooqa Faarax Joome oo xilligaa uu ka furay dukaan qalabka baabuurta iibiya subax keliya ka dhaqaaqay, iyadoo albaabadu u furan yihiin, isagoo muddadaa wixii ka danbeeyay u go’ay dacwada Allah iyo inuu tunka u rito intii awooddiiisa ah sidii uu dacwadda u faafin lahaa.

Sida uu sheegay Sheekh Axmed Guuleed Allah haw nxariistee wuxuu ku dhashay Miyiga Duleedka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag qiyaastii 1943, isagoo markaa la geeyay Malcaamadii Al Falaax ee Magaalada Berbera, kaddibna Dugsiga uu halkaa ka galay ilaa Dugsiga sarre ee Sheekh, balse Sheekh Ismaaciil muu dhammaysan Dugisga Sarre ee Sheekh, sida uu sheegay Sheekh Axmed Guuleed oo ah Afhayeen u hadlay Jameecadda Tabliiqa oo loo igmaday inuu ka hadlo geerida Amiirka Jameecadda.

Sheekh Axmed Guuleed, wuxuu sheegay in Sheekh Ismaaciil oo sannad uga hadhay waxbaarshadii Dugsiga Sarre ee Sheekh iskaga tegey, kaddibna dhinaca Magaalada Cadan u wareegay, halkaas oo waxbarashiisa uu sii watay, isagoo markii danbe u shaqeeyay dowladda Britain ee Magaalada Cadan ka talinaysay, balse  uu iskaga tegey shaqadaa, isagoo Sheekh Ismaaciil dhinaca Dalka Sacuudiga tegey, xilli ku beegan dhawr iyo lixdankii, isagoo kula kulmay Sacuudiga Culimo Bakistaani ah, halkaas oo ay Tabliiqa ka bilaabeen xilli ku beegan 1968-ilaa 69-kii, sagoo markii uu ku soo laabtay Somaliland dhawr iyo Lixdankii furtay dulaanka qalabka Baabuurta lagu iiboyo, kaddibna uu ku laabtay Sacuudiga, isagoo uga sii gudbay dalka Bakistaan sidaana ku bilaabay dacwadda.

Sheekh Axmed Guuleed, wuxuu sheegay in Sheekh Ismaaciil ku hadli jiray luqadaha Carabiga Ingiriisiga iyo Uurduuga, “wuxuu amiirka Geeska Afrika, wuxuuna ifka kaga tegey 50 umad ah kuwaas oo ah 25 qof oo uu dhalay iyo 25 ay caruurtiisu dhaleen iyo saddex xaas. wuxuu ahaa  Sheekh Ismaaciil nin raxim ah oo ummada wax gashaday.’” ayuu yidhi, isagoo ka tacsiyeeyay geerida qoyskii, ehelkii, jameecadda Tabliiqa iyo ummada Islaamka ah, wuxuna Allah uga barayay inuu janna fardawsa ka waraabiyo.

Dhinaca kale, Culmida Somaliland, ayaa ka hadlay geerida Amiirkii Tabliiqa, Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal, waxaana ka mid ah Culimada aqoonta u lahaa ee ka hadashay geeridiisa, Sheekh Maxamed Aadan Xiiray oo sheegay inuu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee dacwad la baxday Sheekh Ismaaciil xilli todobaataneeyadii ku beegan.

Culimada kale ee ka hadashay geerida Sheekh Ismaaciil iyo aqoontii ay u lahaayeen, waxa ka mid ah Culimida Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa, oo ka tacsiyeeyay Ummadda Islaamka, Bulshada Soomaalida, kuwa Geeska Afrika, qoyskii iyo jameecadda Tabliiqa geerida ku timi Amiirkoodii Daacigii weynaa Sheekh Ismaaciil, waxayna ka sheekeeyeen sida uu ugu dhabar adaygay hirgelinta iyo ka midha dhalinta ujeeddadiisa dacwadda ee judiga baddan uu gulay cimrigiisa iyo shaqsiyadiisii.

Sheekh Ismaaciil, wuxuu ahaa aasaasaha xarunta ugu weyn Geeska Afrika ee sannad walba ay ku kulmaan kumanaan culimo ah oo qaaradaha adduunka ka kala yimi, taas oo ay suurtagal ka dhigaty nabadgelyada iyo deganaanshaha Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ka aasaasay isla xaruntaa dhexdeeda Jaamacadda ugu weyn ee Diinta Islaamka lagu barto gobolka Geeska Afrika, isagoo sidoo kale xarumo waaweyn ka sameeyay geyiga Soomaalida iyo gobolada kale ee ku yaal mandaqada.

Sheekh Ismaaciil, wuxuu ahaa Daaci door oo muuqda ku lahaa fidinta Diinta oo naftiisa iyo noloshisa u huray dacwadda, isagoo iskaga tegey aduunyada dhaldhalaakeeda, waxayna saaxiibada ku dhow sheegeen in xataa caloosha Tooray laga geliyay intii dacwadda waday, balse aannay taasi waxba ka bedelin inuu sii wado dacwadda ilaa uu ka geeriyooday oo uu nasiib u yeeshay in Xaramka lagaga tukado, isla markaana lagu aaso magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarama, wuxuna tusaale u ahaa Bulshada Islaamka, Soomaalida iyo dadyowga Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here