Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka oo Kulan La Qaatay Danjiraha Midawga Yurub

0
2214

Hargeisa (Hargeisa Press) – Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga.

Kulankan danjiraha midowga yurub la qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada muraaidka ayaa ka dhacay Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana lagaga wada hadlay siday u qabsoomayaan doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada, iyo miisaaniyadda doorashooyinka iyo kaalmada Somaliland beesha caalamku siiso ee dhinaca horumarinta, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo uu Twitter-ka soo dhigay Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro.

Bishan July 12-keedii ayay ahayd markii hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ay kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here