Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi oo Isku Wajahay Dooddii ugu Adkayd ee Khilaafka Doorashooyinka

0
1091

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI – Faysal Cali-waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – ayaa markii ugu horreysay isku waajahay dooddii ugu adkayd oo ku salaysan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u sameeyey xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo ee shantii sanno ee la doortay oo ku eg 26-ka June 2015-ka oo ku beegan Jimcaha berri.

Saddexda hoggaamiye oo ka qaybgalay dood xasaasi ah oo uu u qabtay telefishanka madaxbannaan ee STAR TV, waxay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen sababaha keenay khilaafka doorashooyinka dib uga dhacay waqtigoodii 26-ka bishan June, muranka ka abuurmay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ee Guurtidu samaysay iyo heshiiskii asxaabta iyo xukuumaddu ka gaadheen in qabsoomidda doorashooyinka laga soo horumariyo xilliga Guurtida, balse u fuli waayey diidmada uu kala horyimi Aqalka Odayaasha Somaliland.

Dooddan oo qayb yar oo hordhac u ah ka baahiyey telefishanku xalay ka hor intaanu iyadoo dhammaystiran sii dayn cawayska caawa oo Jimce soo galayo, waxa masuuliyiinta saddexda xisbi qaran isku waydaarsadeen hadallo isugu jira eedo, hanjabaado iyo maslaxaad la xidhiidha kadib 26-ka June 2015 iyo waxa uu noqon karo xal laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Hadallada kooban ee sida goo-gooska ah xayeysiiska dooddan oo uu qaaday weriye Xamse Cali Bulbul uga baahiyey telefishanka xalay, waxay ku bilaabmeen eeddo salka u haya masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka iyo khilaafka muddo-kordhinta oo ay isku jeediyeen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

saddexda-guddoomiye-xisbi

“Guurtidu way noo yeedhay (ka hor go’aankoodii muddo-kordhinta) waxaannu ku nidhi annagu waxaannu waafaqsannahay inaad waqtigii Komishanka sharciyeysaan, UCID sidaasay ku tidhi, Komishanku sidaas oo kale, KULMIYE wuxuu ku yidhi waxaad doontaan sameeya, markaa tii KULMIYE ayey raaceen.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha WADDANI Md. Cirro.

Haseyeeshee, dooddaas waxa duray Guddoomiye Muuse Biixi oo isna yidhi, “Maalintii Cabdiraxmaan Cirro naga cadhooday waxaannu isku haysannay go’aanka intaynaan dibadda u soo saarin aynnu Guurtida ka qaybgalinno, laakiin waakii Cabdiraxmaan diiday…”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isagu walaac xoog leh ka muujiyey xaaladda dalku marayo xilligan oo uu ku tilmaamay tii ugu xumayd, waxaannu yidhi, “Waar Wallaahi maanta maalin aynu ka liidanaa in aanay jirin, 23 sanno ayaan Somaliland ilaalinayoo maalin aynu maanta uga baqo badannahay ma jirin.”

Mar kale, Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi oo jawaab ka bixinayey walaaca Faysal, ayaa soo galay doodda oo yidhi, “Abti Faysal waxaan leeyahay qabow uun sheeg (is deji). Dhaliilaha iyo rajo la’aanta badan ee uu muujiyey Faysal anigu lama qabo.”

26-KA JUNE KADIB IYO KHILAAFKA TAAGAN:

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu ku adkaystay in wanaag lagaga gudbayo 26 June oo ku beegan dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo shantii sanno ee la doortay, “26-ka June khayr baa dhacaya insha Allaahu, innagoo isku wada duuban ayeynu dabbaaldegaynaa.”

Haseyeeshee, Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxa uu ku hanjabay in wixii ka dambeeya 26-ka June aannu Madaxweyne Siilaanyo ku sii fadhi doonin kursiga haddii la heshiinwaayo.

“Bal cidda laga xoog badan yahay ee dhegaha laga furaysanayo ha la arko…..Markay gaadho 27 July guddoomiyow (Muuse Biixi) haddaynu intaa xal heli wayno bal car waakaase Siilaanyo ha sii fadhiyo, haddii aannu intaa annaga nala heshiin oo waqti aannu wada goosannay oo ku ducaynay aan la gaadhin bal car ha fadhiyo!” ayuu ku hanjabay Eng. Faysal.

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa isaguna si kooban u yidhi, “Xukuumaddu malaha waxay ugu talogashay inay dalka mugdi geliso….”

GUURTIDA IYO HESHIISKII SADDEXDA XISBI:

Si xal loo helo oo Golaha Guurtida loogu qanciyo heshiiskii saddexda xisbi iyo xukuumaddu ka gaadheen waqtiga qabashada doorashada, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inuu arrintaasi ka hawlgalo, waxaannu yidhi, “Hawlgalka ninka looga badan yahay inuu Guurtida qanciyaa waa adiga (Cabdiraxmaan Cirro).”

Hase ahaatee, Guddoomiye Cirro waxa uu soo jeedintaasi kaga fal-celiyey, “Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtida) waa KULMIYE ee ha isku noqdo KULMIYE oo ha soo dhammeeyo.”

MURRASHAXIINTA DOORASHADA MADAXTOOYADA EE AXSAABTA:

Dooddan waxa si isku mid ah saddexda guddoomiye mid walba loogu su’aalay cidda murrashax u ah xisbigiisa, taas oo inta hadalladooda laga baahiyey dhammaantood aanay si buuxda uga jawaabin.

Su’aasha Star TV: Muuse Biixi murrashaxa xisbigiinna waxa la filayaa inaad soo saartaan Ramadaan kadib, yaa idiin murrashax ah?

Jawaabta Muuse Biixi: Yaa kugu yidhi Ramadaan kadib ayaa la filayaa, ma adiga (weriyaha) ayaa noo taliya xaggeed ka keentay?

Su’aasha Star TV: Faysal Cali-waraabe yaa murrashax u ah UCID, ma adiga mise Jamaal?

Jawaabta su’aashaa lama baahin, marka laga reebo qosal Guddoomiye Faysal ku qaabilay.

Su’aasha Star TV: Cabdiraxmaan Cirro ma adigaa murrashax u ah WADDANI, mise cid kale?

Jawaabta Guddoomiye Cirro: Murrashaxu wuu soo bixi doonaa.

Geesta kale, dooddaas oo dhammaystiran waxa uu telefishanka Star TV baahin doonaa caawa oo ay ku beegan tahay shan sanno ka hor maalintii Madaxweyne Siilaanyo loo doortay hoggaaminta Somaliland, 26 June 2010.

 

 

Wargeyska Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here