Cilmi-baadhis Cusub oo Sheegtay in Soonku Daawo ka Yahay Gabawga Degdega ah, Difaaca Jidhkana Kor-u-qaado

0
988

HargeisaPress — Cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Souther California ee dalka Maraykanka, ayaa iftiimisay in soonku ka hortago in qofku si degdeg ah u gaboobo, isla markaana uu hoos u dhigo khatarta kansarka, wadno xannuunka, kaasoo sidoo kale kor u qaada hab-dhiska difaaca cudurrada jidhka.

Khubarada cilmi-baadhistan samaysay waxay sheegeen in soonku faa’iido badan u leeyahay dadka, hoosna uga dhigo waxyaabo badan oo jidhka ku sababi lahaa xannuuno, kadib markii ay baadhitaan ku sameeyeen dad ay tijaabo ka qaadeen oo muddo 5 maalmood ah bishiiba ka soomay.

Dadka tijaabada laga qaaday waxay muddo 4 sanno ah bishiiba ka soomaayeen shan maalmood si hoos looga dhigo khatarta wadno xannuunka iyo kansarka, korna loogu qaado hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhkooda, waxaana lagu guulaystay tijaabadaas.

Prof. Velter Longon oo ka mid ah saynisyahannada qaaday ololahan lagu dhiirigelinayo soonka, waxaannu sheegay in soonku faa’iido badan u leeyahay dadka, isagoo xusay in faa’iidooyin badan ku jiraan cuntada oo laga soom, isla markaana ay waxtar dhinaca caafimaadka u leedahay bani’aadamka.

Daraasadan cusub oo Wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay bedka soo dhigtay in xataa soonku u fiican yahay maskaxda in ay farriimaha si fiican u gudbiso, qofkan xusuusta iyo waxbarashada ku fiicnaado, waxaana lagu tijaabiyey 19 qof oo bishii shan maalmood ka soomayey muddo saddex sanno ah, iyadoo ay dhammaan faa’iidooyinka khubaradu xuseen lagu ogaaday.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here