Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar U Furay Garsooreyaal iyo Qareeno

0
1045

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta tababar socon doona muddo lix cisho ah u furay 50 xubnood oo iskugu jiray Garsooreyaal ka kala socday heerarka kala duwan ee Maxkamaddaha Gobolka Maroodi-jeex, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareeno iyo xubno ka socday Guddiga Dacwadaha ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Tababarkan, ayaa waxaa ka qayb galay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, La-taliyeyaasha dhanka Shareecada Sheekh Dr. Ciise Maxamuud Cabdillaahi, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, La-taliyaha dhanka farsamada ee Maxkamadda Dayib Muxumed Nuur, Isu-duwaha Maxkamaddaha guur-guura, Sharmaake Yuusuf Faarax iyo saraakiisha waaxda tababarka Maxkamadda Sare.

Tababarkan oo qayb ka ah kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bahda Garsoorka, ayaa diirada lagu saari doonaa mudadda uu socdo, Hababka Dacwad qaadista, Beeca, Rahanka, Damaanadaha iyo Shuruudahooda, akhlaaqiyaadka iyo hoggaaminta wanaagsan ee Garsoorka, iyadoona uu tababarkani ku xidhiidhsan yahay tababaro la xidhiidhay Shareecada Islaamka kuwaasi oo laga fuliyay caasimada Hargeysa iyo gobalada dalka.

Ugu horayn waxa madasha tababarka kalmad kooban ka jeediyay Dr. Ciise Maxamuud Cabdillaahi, waxaanu xusay in cadaaladdu ay aas-aas u tahay horumarka bulshada qaybeheeda kala duwan.

Digtoorka oo ka mid ah khuburada tababarka bixinaysa, ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada iyo qiimaha ay leedahay in dadka lagu kala saaro cadaaladda, Waxaanu tibaaxay in qof kastaa ka dhaxlo cadaaladda xasilooni.

Sidoo kale, waxa madasha tababarka ka hadlay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxaanu is-dul taagay qiimaha tababarka iyo aqoon-is-waydaarsiga, isagoona hoosta ka xarriiqay in aqoon-is-waydaarsigu yahay is-xasuusin, taasi oo fahan u baahan.

Xeer-ilaaliyaha guud Cabdiraxmaan Hayaan, ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobo laf-dhabar u ah shaqada maalinlaha ah ee Garsoorka sida hababka loo raaco dacwadaha, kuwaasi oo ku jira tababarka.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkani ka mid yahay kuwa hal-bowlaha u ah hawl-maal-meedka Garsoorka, kaasi oo ay Maxkamadda Sare taaba-galisay qabsoomidiisa, waxaanu xusay in khuburada jeedinaya tababarku ay yihiin muwaadiniin waayo-arag ah oo u dhuun daloola ahmiyada iyo doorka Garsoorka.

Waxaanu sheegay in xeel-dheerayaasha wadaniga ahi ay ka mudan yihiin kuwa shisheeyaha ah oo uu xusay in aanay xog-ogaal u ahayn arrimaha muhiimka dalka u ah.

Guddoomiyaha, ayaa tibaaxay darsiyada uu xambaarsan yahay tababarku, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwii safarka dheer loo gali jiray waayihii hore, waxaanu xusay in wakhti xaadirkan cilmigu meel kasta ceegaagsan yahay isla markaana aanu cudur daar u noqonayn in qofku jahli kaga sugnaado.

Guddoomiye Aadan, ayaa sheegay in shaqada Garsoorku tahay shaqada ugu sharafta badan isla markaana tahay shaqada ugu miisaanka culus ee loo baahan yahay in Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyayaashu yeeshaan fiiro dheer, hubsiimo, dedaal iyo aqoon-korodhsi joogto ah.

Gunnaanadkii Guddoomiyuhu waxa uu Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee Garsoorka ku bogaadiyay shaqada milgaha leh ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay markasta u gutaan waajibaadka dumaddooda sudhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here