Tibor Nagy oo Boggaadiyay Ansixinta Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka

0
2508

Washington (Hargeisa Press) – Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibbada Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa boggaadiyay ansixinta xeerka iskaashiga ee Somaliland iyo Mareykanka, kaasi oo uu shalay qalinka ku duugay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Xeerkan iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka ee uu ansixiyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, islamarkaana ay hore u soo ansixiyeen labada aqal ee Senetka iyo Congress-ka, ayaa tilmaamaya in dowladda Mareykanka gaar ahaan labadeeda wasaaradood ee Difaaca iyo Arrimaha Dibaddu ay Somaliland kala yeeshaan iskaashi khuseeya arrimaha Milateriga iyo diblomaasiyadaba.

Qodobkan sharci, ayaa waxa uu farayaa wasaaradaha Kaarajiga iyo Difaaca ee Mareykanka iyo hay’adda u qaabilsan gargaarka ee USAID inay Congress-ka u soo gudbiyaan warbixin sanadle ah oo ay ku faahfaahinayaan kaalmada iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo amni ee ay la yeeshaan Somaliland.

Hadaba, Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibbada Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Tibor Nagy oo qoraal ku baahiyay boggiisa Twitter-ka, ayaa ansixinta xeerkan ku tilmaamay in dowlada Mareykanku ay ogaatay in Somaliland ay tahay saaxiib qiimo leh, oo awoodi kara in uu la shaqeeyo Mareykanka.

Tibor Nagy, ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay ugu danbayntii ogaatay xaqiiqda, islamarkaana ay Somaliland tahay saaxiib qiimo leh.

“Madaxweyne Biden waxa uu saxeexay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka ee NDAA, kaasi oo ogolaanaya in Somaliland ay ka qaybqaadato barnaamijyada millateriga Mareykanka, dowlada Mareykanka ugu danbayntii xaqiiqda ayay ogaatay, ‘Waddanka yar ee awooda’, waa saaxiib qiimo leh” ayuu yidhi Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibbada Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Tibor Nagy.

Mr Tibor oo ka mid ah dublamaasiyiinta Mareykanka ee ugu caansan ee taageerada u muujiya Somaliland, ayaa qoraalo uu intooda badan kaga hadlayo qadiyada Somalilad ku baahiyey boggiisa Twitter-ka iyo warbaahinta caalamiga ahba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here