Guddiga Fatahaadda Beledweyne Oo Beeniyey In DF Kaalin Ku Leedahay Biyo-xidheenka

0
563

Beledweyne (HP): Waxaa soconaya dedaallo ay wadaan Guddiga Gurmadka magaalada Beledweyne oo lagu doonayo in sanadkan fatahaad looga badbaadiyo magaalada oo muddooyinkii u dambeeyay ay sanad walbaa dadku daadad uga baro-kici jireen.

Guddiga oo VOA la hadlay ayaa beeniyay in howsha socota ay kaalin ku leedahay dowladda federaalka, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku gaysay Beledweyne.

Dawladda federaalka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag gaareysa 500 oo kun oo dollar ay ugu deeqday dadka ay fatahaaddu magaaladaasi ku saameysay, hase yeeshee Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow, ayaa sheegay in lacagtaasi aanay soo gaarin dadkii loogu talo-galay.

Xaaji Cismaan Dhagaxow, ayaa isagoo Beledweyne ku sugan waxa uu u warramay Jacfar Kuukaay, waxaanu ugu horreyn ka hadlayaa dadaallada ay hadda guddigoodu wadaan.

 

Halkan Ka Dhegayso Warbixintaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here