Itoobiya: Warbaahin Diidday In Ay Baahiyaan Codka Wasiirka Gaashaan-dhiga

0
719

Addis Ababa (HP): Wariyeyaasha ka shaqeeya Talefishiinka afka deegaanka Oromada ku hadla ee OMC ayaa sheegay iney aad ug xumaadeen khudbadda wasiirka Gaashaan-dhigga ee la diiday inla baahiyo.

Wasiirka gaashaan-dhigga Itoobiya Lemaa Megersa oo aan dhawaan lagu arag warbaahinta dalkaasi ayaa shalay ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyey ganacsata caan ka ah dalka Itoobiya oo geeriyooday.

Khudabadda Lemmaa Megersa ee laga diiday OBC-TV ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

Maxaa dhacay?

Khudbadda uu jeediyey Wasiirka gaashaan-dhigga Itoobiya Lemaa Megersa waxaa lagu ballansanaa in tabinta tooska lagu sii daayo balse dib ayaa loo dhigay iyada oo wasiirka loo sheegay in khudbadiisa lagu baahin doono baahinta fiidnimo.

Haseyeeshee, marka la gaaray xilligi wararka fiidnimo ay OBC-TV ka baxayeen ayaa warka ku saabsan wasiirka Gaashaan-dhigga laga reebay wararki idaacadda ka baxayey.

Waxaana booska wasiirka lagu beddelay khudbad uu jeediyey madaxweynaha deegaanka Oromada Shimelis Abdisa.

Agaasimaha OBC oo arrintan wax laga weydiiyey wuxuu sheegay khudbadda wasiirka Gaashaan-dhigga looga baahin waayey OBC-TV iney tahay amar ka yimid xagga sare.

Go’aanka warkaasi la joojiyeyna waxay buuq iyo muran ka dhex abuurtay maamulka telefishiinka iyo wariyeyasha telefishiinkaasi ka howl gala.

Mid ka mid ah wariyeyaasha horay uga shaqeyn jiray telefishiinka OMC ee deegaanka Oromada oo BBC u warramay wuxuu sheegay maamulka telefishiinku iney dhaqankooda sidaaa tahay oo warbixinnada la jarjaro ama codadka qaarna la jarjaro.

Waxayna wariyeyaasha go’aankaasi ka soo horjeestay ku doodayaan inuu go’aankaasi khalad yahay telefishiinka deegaanka Oromada ee OMC dhidibbada waxa u taagay oo heerkan gaarsiiyey uu yahay Lemma Megersaa oo madaxweyne ka soo ahaa deegaankaasi.

BBC oo iskudayday agaasimaha telefishiinka OMC Zinaabuu Asraat iyo Kuxigeenkiisa Booji Gabbisaa iney la xiriirto si ay jawaab uga hesho uma suuragelin.

Goobta aaska maxaa ka dhacay?

Wasiirka gaashaan-dhigga Itoobiya Lemaa Megersa marka uu goobta aaska uu ka hadlayey shacabki tirada badnaa ee aaskaasi ka soo qayb galay si aad ah ayey u soo dhaweeyeen iyaga oo u muujiyey taagerada ay u hayaan.

Khudabda Lemmaa ee ku aadan marxuumka dhintay Kabiir Xuseen oo uu jeediyeyna waxay noqotay mid si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Waxaana loo maleynayaa ayey yirahdeen dadka aadka ula socday dhacdadan iney madaxda deegaanka u sarreeysa ay naxdin ku abuurtay taagerada shacab uu Lemma Megersa haysto taasina ay keentay inaan khudbaddiisa la baahin.

Mr. Lemma Megersa,  ayaa lagu yaqaannaa inuu ka mid ahaa xubnihii sababta u ahaa dalka Itoobiya inuu isbeddel ka dhaca, meeshana ay ka baxdo dowladdi xisbiga Tigreega uu hoggaaminayey ku dhawaad 30-ka sano.

 

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here