Golaha Guurtida Somaliland oo Galay Fasax Caabuqa Coronavirus Awgii

0
1631

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahaasi Md-Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay gudo galeen fasax dhan labo bilood ,iyadoo gudoomiyaha golahaasiΒ  guurtida uu ka waramay in dalka oo dhan uu ka fulay amarkii gudida ka hortaga xanuunka Coronavirus o muddo afar toddobaad ah go-aan ku soo saaray in dugsiyada dowlada iyo goobaha shirarka la iskugu yimaado la fasaxo.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta hadal ka jeediyey kal-fadhigii golaha Guurtida ayaa sheegay in Golaha Guurtida Somaliland uu galay fasax xanuunka Coronavirus ah, isla markaana ay raaci doonto fasaxii caadiga ahaa ee golahaasi.

”Wax hawl ah oo maanta inoo yaalaa ma jiraan, dalka iyo duniduba way kala xidhan yihiin. marka horta waxa aynu qaadanaynaa inta aynu isa salaami karayno afar todobaad oo Illaahay xanuunkan ha ina waydaariyee aynu ku sii ducaysanay inuu ina waydaariyo.

Waxa intaa raacaya fasixii kalfadhiga caadiga ahaa ayaa marka aynu afartaa todobaad aynu ka baxno isna galaya, markaa fasixii caadiga ahaana waynu ku darsanaynaa,, ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here