Geed loogubayo geed, Waa maqaal ka hadlaya Deegaanka W.Q Kaptanka

0
989

Inbadan ayaan ka hadlay Siyaasad lakiin maanta waxaan  qalinka khadka ugu shubtay inaan suureeyo deegaanka wanaagsan ee qaniga ah ee ilaahay inagu galladay hanti iyo hibo inoo siiyey Subxanahu watacalaa. Waxaan leenahay deegaan gaar ah oo aduunkaba aan kaga duwanay waxaa ilahay.

Inooga beeray deegaankeena dhir gaar ah oo qiimo badan oo waliba aynaan gacmaheena ku beerin biyo aynu ku waraabino aan inooga baahnayn oo wada geed abaareed ah.

Dhirtan qiimaha badan ee waddankeena gaarka u ah. Maanta waxaan tusaale usoo qaadan doona geedka qiimaha badan ee magaciisa loo yaqaano Galoolka waa geed haybad leh waa geed qaro iyo jirrid wanaagsan marka uu sida fiican ubaxo dhererkiisu wuxu gaadhaa 6 illaa 7Mtr,

waa geed aad uqurux badan waa geedka ugu  hadhka fiican dhirta waxa quruxda udheer waa geedka ugu ubaxa udgoon isla markaana ugu maydhaxda macaan xadhkaha ugu adagna laga sooho waa geedka ugu tiirarka adag ee dargadaha lagu dhiso.

Geedka galoolku waxa uu uleeyahay dadka iyo deegaanka iyo waliba xoolahaba manfacyo badan oo kala duwan,  Dadku waxay uga faa, idaystaan waxyaalo isugu jira daawo iyo agabka aqal somaliga waxyaabaha ugu badan ee lagu dhiso waxaa laga helaa galoolka sida xadhkaha dhigaha udubyada loolka maydhaxda oo qaabab kala duwan looga fa, idaysto sida kabadda lingaxa haamaha,

waxa kale oo dawo laga dhigta asalkiisa hadii la xanuunsado wa dawo waxyaabaha uu gaarka u daweeyo waxa ka mida calool xanuunka, iyo xanuunka caabuqa,  madax xanuunka, iyo qar kale oo badan. Cambuushiisa xiliga roobka oo iyaduna dawo ka ah buurnida xad dhaafka iyo beer subaga.

Xoolaha galoolka daaqaa wa kuwa ugu cadka iyo caanaha macaan sida darteed Xooluhu way ku noolyihiin. Galoolka waxay ka daaqaan caleentiisa xiliga guga xiliga jiilaalka waxay xoolahu cunaan ubaxiisa iyo dhimbiishiisa,  deegaanka faa, idadu uleeyahay goloolku waxa ka mida roobka oo uu soo jiito duufaanka oo aan ka dhicin iyo daacuunka oonka dilaacin halka uu ku badan yahay goloolku

Geedka qiimahaas leh ayaa habeen iyo maalin dadkii xoolaha dhaqanayey gubayaan oo dhuxul ka shidayaan oo inuu dabar go, o qarka u saaran,  sababta kaliya ee loo gubayaa waa in lacagta laga helo lagu iibsado qaadka oo ah geed balwada oo hadana dalalka dibada laga, soo waarido,  barigii hore dhuxusha waxa shidijiray dad xoolo madhaqato ah oo loo yaqaanay dhuxule,  lakiin maanta waxaa shidaayaa dadkii geeloodu ku noola geedahan.

Geedkan uu dhuxusha kashidayo reerkiisa rodol sonkora uga keeni maayo ee waxaba qaad ayuu ku cunayaa waliba isagaba adhigii reerka badh kaga darsada marka qaadkii uu deegaankiisa u baabiyey uu amaahdo ee uu ku filaan waayo waana arin masiibo ah oo deegaankeenii haysata waa arin gurmad inooga baahan si aan u badbaadino deegaankeena.

Abdiqani Salaf Kaptanka

Allaa Mahad Leh
Abdiqani Salaf Kaptanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here