Ganacsatadii Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Waaheen oo Loo Qaybiyay $6,766,418 oo Dollar

0
860

Hargeysa (Hargeisa Press) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee dhaqaalaha loogu celinayo ganacsatadii  hantidooda ku waayey masiibadii dabka ee dhawaan ku habsatay suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qaybiyey lacag dhan 6,766,418 (Lix Milyan, toddoba boqol iyo lix iyo lixdan kun, Afar boqol iyo siddeed iyo toban) doolar, taasoo loo qoondeeyey ganacsatadii hayntoodu u dhexaysay $5,001 ilaa $480,000  oo dollar.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa guddida heer qaran ee hawshan gacanta ku haysa ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay dedaalka u wadaan, waxana uu ku baaqay in lasii xoojiyo dedaallada qaadhaan ururinta ee gudo iyo dibadba ka socda.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here