Maayarka Berbera oo Dhagax Dhigay Khayriyo Cusub

0
687

Berbera (Hargeisa Press)- Maayarka magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa maanta dhagax dhigay fagaare cusub oo noqon doona goob dadka lagala hadlo.

Goobtan uu maayarku dhagax dhigay, ayaa loo qorsheeyay in ay noqoto khayriyada degmada Berbera ay yeelanayso, taasoo qaab casri ah loo dhisi doono.

Khayriyadan cusub oo ay dhismaheedda hirgelinayso dawladda hoose ee Berbera, ayaa waxaa isla maantaba la bilaabay dhismaheeda.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa waxaa uu sheegay in ay rejaynayaan in dhismahani uu si dhakhso ah u dhamaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here