GABILEY: Gaadhi Booyad Ah Oo Arday Ku Jiidhay Gudaha Degmada Arabsiyo +Tirada Ardayda Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashay

0
1077
Magaalada Arabsiyo

Gabiley,(HargeisaPress) —Warar naga soo gaadhaya magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley ayaa waxay sheegayaan in saaka uu gaadhi nooca loo yaqaano Booyadaha ee biyaha dhaamiyaa uu arday ku jiidhay gudaha magaalada Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Gabiley.

Gaadhigan Booyadda ah ayaa waxa naloo sheegay in uu jiidhay arday tiradoodu tahay  4 arday kuwaas oo galayey dugsi waxbarasho oo ay dhigtaan oo ku yaala degmada isla markaana sida naloo sheegay ka talaabayey wadada si ay u galaan dugsiga ay wax ka bartaan.

Waxaana booyadan ay jiidhay ardaydaasi afarta ah waxaana halkaasi ka dhashay dhimashada hal qof oo ardaydaa kamid ah halka  saddexda kalena uu gaadhay dhaawac halis ah.

Waxaana wararku noo sheegeen in saddexdii arday ee dhaawacu soo gaadhay loo soo qaaday cusbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Darawalkii waday gaadhigan booyadda ah ee ardayda jiidhay ayaa ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here