Agaasimihii Talafishanka StarTv Maxamed Baashe Oo Dib U Helay Xoriyadiisii

0
1262
Talafishanka StarTv Maxamed Baashe

Hargeysa,(HargeisaPress) — Xukuumada Somaliland ayaa xoriyadiisa u soo celisay qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo maalmihii ugu dambeeyey ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Cabdikariim Axmed Mooge oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee ku hawlanaa sidii loo sii dayn lahaa qoraa Maxamed Baashe ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in dedaal dheer oo ay galeen ka dib ay u suura gashay inuu xoriyadiisa helo qoraagu.

Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay gudoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac, agaasimaha fulinta ee dallada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf Maxamed Axmed Barawaani, gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” kuwaas oo ay sheegay inay dedaal dheer la galeen sidii uu qoraa Maxamed Baashe xoriyadiisa u heli lahaa.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here