Gabiley: Dugsi Laga Hirgeliyay Degaanka Ilinta Yar Oo Xadhiga Laga Jaray

0
755

Gabiley (HP): Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa xadhiga ka jaray dugsi hoose dhexe oo laga hirgeliyay degaanka Ilinta Yar ee woqooyiga magaaladda Gabiley.

Dugsigan oo ay dhistay hay’adda HIS oo laga leeyahay Maraykanka ayaa ka kooban laba fasal oo hoose, kaasoo ay muddo laba bilood ah socotay waxbarashadiisu.

Furitaanka dugsigan cusub waxaa ka soo qayb galay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka degaanka Ilinta yar, madaxda hay’adda HIS ee dugsigan dhistay, xubno ka tirsan golaha degaanka Gabiley iyo marti sharaf kale.

Maamulaha dugsigaasi Maxamed Xuseen Cumar, ayaa sheegay in hadda dugsigaasi ay dhigtaan arday tiradoodu gaadhayso 81 arday, oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Maamulaha dugsigu waxa uu soo jeediyay in macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee dugsigan in la guneeyo oo loo qoro lacagta mushaharka.

Madaxa hay’adda HIS ee dugsigan hirgelisay Mr. Jerry oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kadib markii saaxiibo reer Somaliland ah ay u soo bandhigeen baahida waxbarasho ee ka jirta degaanka Ilinta Yar ay hay’adoodu go’aansatay in ay dhisto dugsigan.

Waxaanu tilmaamay in uu isagu shakhsiyan aad u jecel yahay Somaliland, isla markaana uu ku faraxsan yahay dugsigan ay hay’adoodu ka hirgelisay degaanka Ilinta Yar.

Geesta kale qaar ka mida madax dhaqameedka iyo odayaasha degaanka Ilinta yar ayaa uga mahad naqay hay’adda HIS iyo cid kastoo gacan ka gaysatay hirgelinta dugsigan.

Sidoo kale xubno ka mid ahaa xildhibaanadda golaha degaanka Gabiley ee xafladaasi joogay u mahad celiyay hay’adda HIS ee dugsigan dhistay iyo sidoo kale waxagradka iyo bulsahdda degaankaasi sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

Halkan Ka Daawo Haladii Laga Jeediyay Xafladaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here