Gaadhi Uu Leeyahay Masuul katirsan Wasaaradda Beeraha Oo Ay Wateen Carruur Uu Dhalay Mas’uulkani Oo Gaadhi Kale Jiidhay + SAWIRRO

0
1106

Burco, (HargeisaPress) —Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray ayaa waxa la sheegay in uu jiidhay gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaano dhukhaanka (Vits).

Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka ayaa waxa ay wararku sheegayaan in markii uu shilkani dhacay ay wateen carruur uu dhalay mas’uulkani.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan inay saddex qof ku dhaawacmeen gaadhagan uu jiidhay isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer.

Gaadhigan ayaa waxaa lahaan jirtay Wasaaradda beeraha Somaliland waxaana hore lagu wareejiyay Gaadhigii isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Togdheer Cabdi Guray.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here