Obama iyo Xaaskiisa oo kaalinta koowaad ka galay shaqsiyaadka loogu qadarinta badan yahay Mareykanka

0
1167
former President Barack Obama and First Lady Michelle Obama

HargeisaPress —Michelle Obama Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka ayaa noqotay Haweeneyda loogu qadarinta badan dalka Mareykanka.

Michelle Obama waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi.

Kaalinta labaad ayaa waxaa gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey.

Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad.

Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976.

1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan.

Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay

  • Michelle Obama – 15%
  • Oprah Winfrey – 5%
  • Hillary Clinton – 4%
  • Melania Trump – 4%
  • Queen Elizabeth II – 2%

Ninka loogu qadarinta badan yahay

  • Barack Obama – 19%
  • Donald Trump – 13%
  • George W Bush – 2%
  • Pope Francis – 2%
  • Bill Gates 1%

Mrs Clinton, oo horay u soo noqotay senator xisbiga Dimuqraadiga ah iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka 2016-kiina u tartantay Aqalka Cad ayaa kaalinta koobaad ka gashay codbixintan 22 jeer oo ay ku jiraan 17 sanadood oo xiriir ah.

Walow Oprah Winfrey aanay weligeed gelin kaalita koobaad haddana waxa ay kaalinta labaad soo gashay 14 jeer.

Haddii Mr Obama uu kaalinta koobaad soo galo sanadka soo socda waxa uu la siman doonaa madaxweynihii hore Dwight Eisenhower kaas oo biladda ninka loogu qadarinta badan yahay ku guulaystay 12 jeer, Gallup ayaa sidaasi sheegtay.

Mr Trump ayaa ilaa iyo haatan ah mid ka mid ah labada madaxweyne ee aanan biladdan ku guulaystay iyagoo xilka haya, madaxweynaha kale ayaa ahaa Gerald Ford.

Gallup ayaa waxa ay sheegtay in codbixintan la qaaday intii u dhaxaysay 3-12 bisha Diseembar.

BBC

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here