Fikrada Guban: Somaliland way inay noqotaa qaran xor ah oo ku salaysan dastuur iyo sharci

0
385

Qaran waxa dhisa dadkii isku dan oo ku heshiiya sharciyadii ay isku maamuli lahaayeen. Somaliland  ayaa ila hada sharci, dastuur lagu dhaqmaa ma jiro. Wadanka waxa lagu maamulaa wareegto Madaxweyne(Presidential fiat) mudo Ka badan 30 Sano, iyo xeer jajab  ay soo abaabuleen odayaal koofiyado baclayaal , wadaado xag jir ah, iyo ganacsato hunguri weyn, iyo siyaasiin fashilmay uu wadanku u afduuban yahay.

Kooxahan waxay ku guuleysteen in dadweynaha u kala qaybiyaan qabiil, iyo gobol, gobol.

Waxa socda waa riwaayad lagu jahwareerinayo dadweynaha Somaliland ee abaaraha baahsan, sicir barar, musuqmaasuq, maamul xumo la wareersan.

Somaliland kuma jiro karto  is-qab-qabsi, hanjabaad, yoon yoontay 30 sanadoood. Qaranka waxa uu baahan yahay dastuur , sharci, iyo kala dambyen.Dadkuna waa inuu mabda isku raacaan!

 Dadka waa inay kala doortaan inay noqdaan labo midkood: Jamhuuriyad Somaliland(JSL) oo ku dhaqanta dastuur iyo sharci ama reero xeer jajab ku dhaqma. Sidatan xal ma aha.

Bilahan waxaan ka maqlayey qaar Ka mid  afyaheenada Waddani ama beelaha sheegta inay Somaliland ugu awooda badan yihiin, waa wax niyab jab ku ah qof alle qofkii doonaya inay Somaliland noqoto qaran xor, oo sharci ku dhisan: “Anagaa Hargeysa leh, anagaa 40% ah dadka reer Somaliland. Hadduusan Cirro madaxweyne noqon doorashada 2022  waa lagu kala tegayaa  JSL, iyo xukun baa la naloo diidan yahay beeshayada, angaa u soo halgamay xoreyntii JSL, Cabdiraxman Tuur baa laga carqaladeeyey maamulkii uu u dhisay JSL iyo hadalo kaloo oo aad u fool xun.”

Haddaba, muxuu ku salaysanyahay muranka siyaasadeed ee Somaliland?

Waxa laysku haystaa in qof walba oo muwaadin ah inuu xor u yahay inuu siyaasada wadanka Ka qayb qaato, sida inuu urur furan karo, xafiis dawladeed uu tartami haddi uu shurudihii ka soo baxay. Laakiin koox yar oo qoolaysato ah kuna fashilmay siyaasada JSL ayaa ka soo horjeeda xaquuqda in  muwaadinku xaq  u leeyahay inuu ka qayb qaato talada qaranka.

JSL dastuurkeeda  qodobka 92, waxa uu dhigayaa in asxaabta wadanka aysan ka badan saddex. Xeer baa jira oo odhanaya in 10 sano mar in ururada la furo. Saddexda xisbi ee jira waa Kulmiye, Wadani, iyo UCID. Xisbiyadan ma aha xisbiyo ku dhisan mabda, siyaasad, ama barnaamij siyaasadeed. Waa xisbiyo koox yar oo ka kooban siyaasiin, ganacsato iyo culumo xag jir ah oo qabiil adeegsanaya ay samaysteen. Dadweynahuna waa dad oo aad ugu dhega nugul qabyaalada—way la kala safteen xisbiyada.

Xisbiyada waa loo samaystay oo keliya: In jagada madaxweynaha lagu gaaro si loo boobo hanitda, dhulka iyo mucaawinada lagu taageero dadka saboolka. Tusaale ahaan, Xirsi 7 sano waxa  uu ka madax ka ahaa  maamulkii Kulmiye ee biliqaystay dhulkii, hantidii qaranka. Subax walba waxa uu ka soo kacaa aqal haddii uu shaqeeyoo 100 sano uusan iibsan karayn. Aqalkaas qiimihiisa waa $450,000, baaxadiiso waa 2 acres. Waxa uu leeyahay madaxweyne Silanyo oo caafimaad la tacaalayey ayaa ii siiyey.
Waanu la soconaa awoodii dawladeed uu sida xun  u isticmaalay. In uu saqda dhexe oo ku weerari jiray muwadaniinta isagoo adeegsnaya ciidanka sida gaar ah u tabaran(RRU police).

Xirsi waxay ahayd in uu xabsi ku jiro, laakiin maanta waa hogaamiye xisbi qaran doonaya inuu talada wadanka qabto!

Kooxdan yar ayaa doonaya inay siyaasada iyagu u xidhnaato. aana ogolayn in xisbiyo la furo, si loo helo hogaamiyaal leh karti ay wadanka ugu saaraan bohosha uu ku jiro: sida abaaraha, sicir bararka,  saboolnimada, adeegyo la’aanta, iyo qabyaalada qaawan.

Dadku way ka daaleen siyaasiin gaboobay oo hal abuurkii siyaasad ay ka dhammaatay, kuna maraysta qabyaalad qudhan oo ay ku kala qaybiyaan dadweynaha.

Muuse Biixi, Suleiman Muslim, Faysal, Cirro, Jirdeh, iyo kuwa kaleba waxay siyaasad Somaliland ku Jireen mudo Ka badan 30 sano. Haba yaratee wax ay ku soo kordhiyeen  nolosha dadka ma jiraan, aan ahayn isqab-qaybsi, yoon yoontay mar walba taagan, siiba xilliga ay doorashada madaxtinimada soo dhawaato.

Vi

Waxaad mararka  qaarkood  moodaa in Dadku  weli diyaar u ahayn  inay Somaliland noqoto qaran leh taariikh, halyeeyo, iyo rabitaan isku mid ah.

Waxa kaloo xoriyada Somaliland duulaan ku ah gaancsato hunguri weyn sida Dahabshiil, Telesom iyo kuwa kale, wadaado xag jir ah, odayaal munaafiqiin, suxifiyiin la iibsado, iyo siyaasiin fashilmay. Dhammaan kooxahaas waxay ku mideysan yihiin in Somaliland ay fashilinto. Waxayna qandaraaasyo ka soo qaateen wadamo ajaanib ah.

Laakiin beenta ugu daran ee isku dirtay beelaha Somaliland waa beenta uu Cirro ilaa hada uu baafinayo. Tusaale ahaan, Cirro wuxuu ila hada leeyahay doorashadii madaxtinimada ee 2017 waa lagu shubtay. Taageeyaashii oo  beel qudha ah waxay ilaa hada aaminsan yihiin in Madaxweyne Biixi yahay madaxweyna sharci daro ah.

Waxayna kala hortageen  maamulka Biixi oo 90 cisho jirin dagaal qaawan oo qaran dumis ah (Insurrection).
Inkastoo Cirro beeshiisa ay ka hayaan  qaranaka jagooyin muhiim ah sida Waiirka xoolahah iyo Kallumeysiga, Taliayaha Booliiska, taliayaha laanta socdaalka , iyo taliyaha RRUda, Guddoomiyaha bankiga qaranka, iyo kuwa kale. Tusaale ahaan,  degmada Odweyne, oo haba yaratee aan lahayn goobo ganacsi oo waaweyn, waxa laga dhisay bangiga dhexe ee ugu weyn Somaliland oo ku fadhiya baaxad gaaraysa 10 acres. Tog Wajaale, oo ah xudunta ganacsiga Somaliland iyo Ethiopia ma laha banki, maxkamad, xafiis mayor, iyo xabsi.

Waxa socda waa waali iyo foodo.

Waxaa mar walba saxaafada laalushka qaata waxay faafiyaan  beenta ah  xisbiyada mucaaridka  ee wadani iyo Ucid. Laakiin, Waddani iyo Ucid ma aha xisbiyo mucaarid ah, sababtoo Somaliland kuma dhaqanto  hab dawladeed ee barlamaanka ah(Parliamentarian system). Somaliland dawladeedu waxay ka kooban tahay saddex qayboob. Waddani iyo Ucid waxay ka taliyaan qaybta sharci dejinta, oo ah qaybta ugu muhiimsan.

Ma ahayn inay qalalaaso, rabshado iyo biliqo ay taageerayaashooda ugu baaqaan , iyagoo wax walba si sharci ah ku fushan kara.Hogaamiyaha Baarlamanku waa waddani, Cabdirizak Khaliif Axmed, awood ayey u leeyihhin inay jooiyaan waxa walba , ku darna ururada inaan la furin oo ay doorashado madaxtinimada  November 13 ay ku tartamaan oo keliya saddexda xisbi  ee hada jira ay dhacdo.

Taasi ma aysan dhicin, sababtoo ah xisbiyada kuma salaysna mabda iyo siyaasad. Nin walba oo ka tirsan Baarlamaanka waxa uu matelaa jilib beelaha Somaliland ka mid ah. Waa in laga fadhiistaa sababta uu Barlamaanku  u xalin la’yahay arrimaha doorashooyinka mar walba.

Baarlamaanka JSL waxa ka dhigay qayb ka mid la’aanta fulinta (Executive branch) oo wax walba barnaamijyo ah laga dhammaysto Guddoomiye Cirro, oo laga soo  doortay  gobolka Saaxil  in ka yar 2,000 cod, sannadkii 2005. Musharixiin helay codad ka badan 5,000 ayaan ka mid noqon Baarlamaanka. Cirro isagoo fushanaya danahiisa gaar ah ayuu ka dhigay Baarlamaanka goob laalush lagu iibsado. Intii uu madaxda ka ahaana Baarlamaanka JSL ma soo saarin sharci dalka kala haga siiba xaga doorashooinka. Xisbiyadii ayaa ka awood batay Baarlamaankii dastuuriga ahaa.

Tan kale, Cirro iyo Feisal waa musharixiin jagada madaxtinimada.Ilaa iyo hada Muuse Biixi ma uusan cadeyn inuu u tartamyo 2022. Feisal waa markii afaraad u tartamayo jagada madaxtinimada. Codadka uu helaa mar walba  kama badno 4-5%!

Haddaba, ma sax baa inuu Feisal mar walba uu musharaxa noqdo, iyadoo ay jiraan muwaadiniin ka aqoon iyo karti badan hayana barnaamijyo  siyaasadeed Somaliland looga saaro bohosha  ay ku jirto?

Muuse waa hogaamiyaha qaranka una haya dadweynaha hawl adag,waxaana haboon inuu isqab-qabsiga  xisbiyada ee doorashooyinka u daayaa xisbigiisa ama ninka u madax ah ololihiisa doorashada madaxtinimada 2022.Shirarka lagu xalinayo khilaafka doorashooyink  waxa habboon in lagu qabto  xaruumaha xisbiyada  ama hotelada.

Talo ahaan, waxa  kaloo loo baahan yahay in qodobka 92  ee dastuurka wax laga bedelo oo la kordhiyo tirada xisbiyada ama in la ogolaado in qof  musharax madaxbannaan(independent candidate)  oo aan ka tirsnayn xisbi loo ogolaado inuu u tartami karo jagada madaxweyne 2022.  Ma jirto  sharci ama dastuur diidaya musharax madaxbanaan. Muranka xisbiyada ha la furo ama yaan la furin wey joogsan lahayd.

Wax badan wey noo herglieen, laakiin Somaliland way inay horey u socotaa, kana gudubtaa xeer jajab.

Ururada waa in la furaa;  kuwii ku soo baxana ay u tartamaan doorashashda madaxtinimada 2022.Somaliland waxay u baahan tahay hogaamiye  cusub ee la yimaada barnamaaj siyaasadeed ee  lagu badbaadiyo qaranka ay ku soo duuleen kuwa doonaya inay Somaliland noqoto gobol sabool ah oo ka mid Somalia.

Taasna ma aha  arrin aanu aqbali karno. Xoriyada iyo madaxbanaanida JSL khatar bay ku jirtaa. Qof walba oo ay lexjeclo ka hayso JSL dagaalka dhinacaaga ka gal si ay JSl u noqoto qaran ku salaysan dastuur iyo shraci, lehna taariikh,halyeeyo, iyo hadaf iyo dan isku mid ah, loona wada dhan yahay.

Guul iyo Gobanimo Somaliland

Ali -Guban Mohamed

Founder and Editor, Gubanmedia.com, an online source of news and commentary about the Horn of Africa.

alidm18@gmail.com

LEAVE A REPLY