Madaxweyne Biixi oo Fariin Adag U Diray Dowladda Sacuudiga

0
1379

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo saaka shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxaha, ayaa ka hadlay carqaladda uu maamulka Xamar ku sameeyay dadkii reer Somaliland ee sannadkan Xajka tegi lahaa.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sidoo kale dowladda Sacuudiga u diray farriin cad oo la xidhiidha in Somaliland loo madax bannaaneeyo arrimaha la xidhiidha xujaydeeda, siyaasadda laga daayo cibaadada.

Waxaa uu dowladda Sacuudiga ka codsaday in ay soo celiso qoondadii ay Somaliland ka heli jirtay xujaajta xajka, isagoo u soo jeediyay in arrinta sababtay in dadka reer Somaliland aanay sannadka Xajin oo ah in aanay helin qoondadii ay uga barteen in dowladda Sacuudigu ka siiso xujaajta, in anay mar kale dhicin.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in bulsho kasta tirada xujaajta ee ay helayaan lagu saleeyo tiradooda guud, sidaa darteedna bulshada Somaliland ay ka badanyihiin 4 milyan oo qof loona bahanyahay in la siiyo wixii tiradoodu u goyso.

Xukuumada Somaliland, ayaa sannadkan baajisay xujaydii reer Somaliland ee Xajka tagi lahaa, kadib markii ay sheegtay in Soomaaliya ay qoondadii Somaliland xajka ka heli jirtay oo ahayd %40 kusoo urrurisay %6.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here