Wadahadaladda Xisbiyadda Somaliland Oo Mar Kale Maanta Qabsoomay

0
514

Hargaysa (HP): Wajigii afraad ee kulanka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa mar kale maanta ka furmay magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga hadlay arrimo kala duwan.

Kulankan oo ay yeesheen xubnihii ka kala socday  saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa arrimihii lagaga hadlay waxa sharaxaad ka bixiyay siyaasi Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil (Jirde), oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Arrimaha laga wada hadlayo waxa ka mid ah doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada, dhammaystirka komishanka doorashooyinka iyo arimo kale.

DAAWO: Hadalkii Siyaasi C/qaadir Jirde:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here