Faysal Cali Waraabe: Somaliland Uga Baqi Maayo Cadow Shisheeye Ee Waxan Uga Baqayaa Maamul Xumo

0
1727
Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeya maamul-xumo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu Somaliland uga baqayn cadow shisheeye balse, uu uga baqayo in maamul-xumo waxyeelayso.

β€œIntaa Somaliland jirtay maanta waxan uga baqayaa uun in ay maamul-xumo ina baabiiso, cadaw shisheeye ka baqimayno” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe .

β€œWataa maanta la xidh xidhayo musharixiinteeni, ma musharax wasiirkii qabiilkiisa kasoo jeeday uu xidhad aragtay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay, in hadii uu mudaharaadi lahaa uu dalka u tudhayo madama oo madaxweynuhu aanu u tudhi doonin.

β€œAnagu waxaanu isleenahay hadaad yur yur tidhaahdaan dalka burburi doona, Muuse na dalka u tudhi mayo” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here